Kongreska Mareykanka oo U Codeeyay In La Xadido Awoodda Trump Ee Dagaalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kongreska Mareykanka oo U Codeeyay In La Xadido Awoodda Trump Ee Dagaalka
January 10, 2020 - Written by Editor:

Washigton (WJN)- Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii u codeeyey inay ka joojiyaan madaxweyne Trump inuu qaado talalabo militari oo kale oo ka dhan ah Iran, ayada oo Bariga Dhexe ay ka taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dilkii Mareykanka ee Jeneral Qasem Soleimani.

Qaraarkan ayaa ku meel-maray iyada oo ay taageereen 224 mudane, halka 194 oo badankood ah Jamhuuri ay kasoo hrojeesteen.

Tallaabadan ayaa madaxweyne Trump ka xayuubineysa awoodihiisa dagaal ee ah inuu ciidamada Mareykanka u isticmaalo Iran, isaga oo aan ogolaansho ka haysan Congress-ka.

Sharcigan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka, oo ay maamulaan Jamhuuriga, wuxuuna wajahayaa dagaal adag, si loo ansixiyo.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tallaabada Aqalka Wakiilada ku qeexay “nacasnimo” iyo mid siyaasad ay dhiiri-gelisay.

Tallaabadan ayaa “arbushi karta awoodda dowladda Mareykanka ay uleedahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda, kuwaas oo Iran weli ay isku dayeyso inay waxyeeleyso.” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Codka Aqalka Wakiilada ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in sababta loo dilay Qasem Soleimani ay ahayd inuu isku dayayey inuu qarxiyo safaaradda Mareykanka.

COMMENTS
LINKS