Gudida Horumarinta Hoodaale Oo Gudoomiye Cusub Doortay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Horumarinta Hoodaale Oo Gudoomiye Cusub Doortay.
January 23, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N):-Hogaankan Cusub ee Loo Doortay Gudida Horumarinta Hoodaale oo noqonaya Gudoomiyihii labaad ee Hadda Hogaamiya mudadii uu jiray ururkan hoodaale ayaa Maanta si rasmiya loo doortay loogu  wareejiyey xilka Gudoomiyenimo ee Gudida hoodaale.

Inta La ogyahay gudidan Hoodaale Ayaa Ka Shaqeysa una midoobay Wax u qabashada Bulshada deegaanada Ay ku abtirsato iyadoo mudadii ay jireen waxyaabo badan qabtay  caawin qoysaska Danyarta ah oo ay taageeraan dhnaca waxbarshada

sidoo kale Gudida hoodaale ayaa ceel biyooda ka hirgaliyay deegaanada qaarka kuwaasi oo baahi wayn loo qabay ,

Gudida Hoodaale ayaa sidoo kale ka qayb qaatay arrimaha Bini aadanimo ee ka dhaca dalka sida abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah iyagoo caawimooyin iyo kaalmooyin la taabankaro ka geystay duruufihii qalafsanaa ee abaaraha soomaray dalka somaliland,

sidoo Kale  waxay cusbitaalada deegaanada ay kasoo jeedan ee gabiley iyo tuulooyinka gaadhsiiyeen deeqo daawooyin iyo agab isugu jira oo la gaadhsiiyey cusbitaalka gabiley.

Dhinaca Wax soosaarka iyo Beeraha iyagoo ka duulaya Gudidan hoodaale waxay bulshada beeraleyda ah ka caawiyaan adeegyada kala duwan cagaf cagafyada iyo agabka beeraha lagu qodo.

Waxaana Gudoomiyaha Cusub ee Lagu wareejiyey maanta Xilka inuu halkii Kasii wado shaqada gudida noqonayaa Kii labaad ee Loo doorto,

Maxamuud Aw Yuusuf Cumar Oo ah Hogaanka Cusub ee Xilka la wareegay ayaa ka hadlay Sii horumarinta hawlihii gudida u yaala ee ay bulshada u qabanjireen, Waxaana uu ugu horeyan u mahadnaqay gudoomiyhii hore gudida hoodaale Maxamuud qaalib oo hawlo caafimaad daraadeed xilka u wareejiyey.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Gudoomiyaha Hoodaale Xilka Kula Wareegay.

 

COMMENTS
LINKS