Gudoomiye Saleebaan Oo La Sheegay In Uu Iscasilaad Usoo Gudbiyay Golaha Guurtida Iyo Xogaha Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Saleebaan Oo La Sheegay In Uu Iscasilaad Usoo Gudbiyay Golaha Guurtida Iyo Xogaha Laga Helayo!
January 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland  Saleebaan Maxamuud Aadan (saleebaan gaal)  oo mudo 15sano ka badan ayaa la sheegay in uu golaha guurtida usoo gudbiyay Iscasilaad halka uu madaxwayne biixina ku wargaliyay in  uu ka tagayo Xilka Gudoomiyaha golaha ,

Wararka laga helayo in uu iscasilayo gudoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegaya in sobobta wakhtigan keentay in uu xilka gudoomiyaha iska casilo Saleebaan maxamuud aadan ay dabada ku hayso  khilaaf culus oo soo kala dhex galay Madaxwayne Muuse Biixi.

Xogaha laga helayo iscasilaada gudoomiye saleebaan Ayaa tibaaxay in ay sobobtay  madaxwayne biixi oo ay isku qabteen arinta muranka culus ka taagan yahay ee komishanka cusub oo xoguhu tibaaxeen In wakhtigan madaxwaynuhu qaatay in ay iscasilaan xubnaha komishanku horaanta bisha labaad taasi oo marka hore  gudoomiye saleebaan kawada socdeen gudoomiynimada Riyo Raac balse wakhtigan biixi ka laabtay,

Sidoo kale iscasilaada gudoomye saleebaan ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay doontista beeshiisa ee gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo iyana madaxwaynuhu ka diiday dalab uu ula tagay iyo sidoo kale qorshe isla madaxwaynaha ay isku ogaayeen oo gudoomiye saleebaan ku dalbaday in lagu kordhiyo miisaaniyada golaha guurtida oo iyana aan waxba  ka suurto galin wasaarada maaliyada iyo dhinaca madaxwaynaha,

Sicad wali looma oga wakhtiga rasmiga ee gudoomiye saleebaan ku dhawaaqi doono iscasilaadiisa iyo jawaabta ay xildhibaanada golaha guurtida ka bixiyaan iyo xaqiiqada arimaha keenay in uu wakhtigan iska casilo xilkga gudoomiyaha golaha guurtida .

Sikastaba ha ahaatee iscasilaada gudoomiye saleebaan gaal ayaa kusoo beegmaysa wakhti ay dalka hadheeyeen muran siyaasadeed islamarkaana ay banaan tahay kaalintii golaha guurtidu ku lahaa xalinta khilaafyada siyaasadeed iyo colaadaha ka dhex qarxa beelaha Somaliland oo shacabka ku dhaliilayaan golaha guurtidu in ay gabeen kaalintoodii taasi oo keentay in  mudadii uu gudoomiye saleebaan xilka hayay ay hoos udhacday samcadii iyo sharaftii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda/

WIXII KASOO KORDHA WARKA GUDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDA IYO ISCASILAADA LAGA FILAYO KALA SOCO WARARKEENA DANBE

 

COMMENTS
LINKS