Gudoomiyaha Ha’yadda Shaqalaha Dawlada Jsl Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Shaqaale KaTtirsan Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Ha’yadda Shaqalaha Dawlada Jsl Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Shaqaale KaTtirsan Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha!
January 2, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Xaflad Aad U Balaadhan oo ay soo Agaasintay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranku ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Hay’adda Taasi  oo ujeedadeedu ahayd in lagu abaal mariyo Shaqalihii ugu shaqada wanaagsanaa Shaqalaha HQBQ JSL ee sanadka 2019..

Xafladaasi Oo Ka soo qaybgalay Gudoomiyaha haayada iyo masuuliyiin kale oo ka socday xukuumada oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawladda , Gudoomiye xigeenka Hay’adda maamul Wanaaga ,

Waxa Ugu Horayn Halkaasi ka hadlay Agasimaha Waaxda Shaqalaha ee Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Kaasi oo ku dheeraaday Warbixinta Shaqalaha Hay’adda Iyo ujeedada Xafladani is-markana tilmaamay Horumarka shaqalaha ee dhinacayada Maamul Wanaaga ,ilaalinta sacadaha Shaqada , kor uqaadista aqoonta shaqalaha iyo Dhiirigelintada shaqalahaba.Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakcayaasha Qaranka Mudane Abdulkariin Ahmed “Xinif” Ayaa isaguna ku dheeraaday xafladani iyo qiimaha ay u leedahay shaqalaha Hay’adda Kana dhawaajiyey Inay shaqalaha ku qiimeyeen Shaqo wanaagooda ,kartidooda ,Dadaalkooda Shaqo iyo Joogtaynta Goobaha Shaqada ee Hay’adda.

Ugu Danbayntiina Waxaa Xaflada Soo Afmeeray Guddomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawlada JSL Mudane Farxaan Adan Haybe Kaasi oo ku dheeraday Muhiimada Ay leedahay in la dhiirigeliyo shaqalaha Dawlada ee sida Hagar la’aanta ugu adeegay Qarankooda Iyo Bulshadoodaba,Waxaanu ku amaanay Gudoomiyaha  Hay’adda Qaxoontiga mudane Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo Horumarka Balaadhan gaadhsiiyey HQBQ mudadii uu Xilka Hayey,Ugu danbaytiina Waxa uu shadooyin gudoonsiiyey 28-qof oo ka mida shaqalaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakcayaasha Qaranka JSL.

 

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS