|
|||||
WAJAALE NEWS
Fannaan Daa’uud Cali Masxaf oo Ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga
January 24, 2020 - Written by Editor:Jigjiga (WJN)- Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ku geeriyooday fannaankii Daa’uud Cali Masxaf. Mas’uul ka tirsan maamulka dawlad deegaanka Soomaalida ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey geerida fannaan Daa’uud Cali Masxaf, oo ka mid ahaa hobolladii Waaberi. Dhinaca kale, abwaan Cabdi Dhuux oo isna la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in Daa’uud uu qabay cudurka Macaanka ama Sonkorta, kaasi oo la rumeysan yahay inuu hadda u geeriyooday. Cabdi Dhuux waxa uu sheegay in Daa’uud aan cudurkaas loo seexan Cisbitaal, balse uu si lama filaan ah ugu geeriyooday. Daa’uud Cali Masxaf ayaa ka mid ah dadka ugu horreeya ee Soomaalida marka ay noqoto garaacista gitaarka, oo aad looga dambeeyey, wuxuuna sidoo kale ahaa laxamiiste. Waxaa sidoo kale uu ku luuqeeyey heeso caan, oo uu saaray laxano aad loo ammaanay, iyo kuwa kale oo uu laxanka saaray balse aanu ku luuqeyn. Waxaa hadda fanaan ah wiilkiisa Saciid Daa’uud oo magaalada Muqdisho ku nool.
Related posts:Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Diiwaangalinta Maalinta Sabtida ah Ka Bilaabmasa Gobolka Maro... DAAWO; Labada Xisbi Mucaarid Wadani Iyo Ucid Oo Qoraal Ka Dhan ah Xisbiga Kulmiye u Gudbiyay Gudida... Wargayska Gulfnews Ee ka Soo Baxa UAE Oo Warbixin Cajiiba Ka Diyaariyay Heshiiskii Somaliland la Gas... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|