Falanqeyn; Khilaafka Xukumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Iyo Doorka Madaxwaynaha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqeyn; Khilaafka Xukumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Iyo Doorka Madaxwaynaha!
January 18, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Khilaafka komishanka doorashooyinka ee udhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa noqday mid caqabad ku noqday in doorasho ka qabsoonto Somaliland

Siyaasi Rashiid  Jaamac Dhari (sheekhul axmarka) ayaa wax laga waydiiyay sobobta uu uhirgali waayay heshiishkii udanbeeyay ee gudida dhex dhexaadinta soo jeediyay dhinacyada khilaafku ka dhexeeya ay aqbaleen ayaa  farta ku fiiqay doorka uu madaxwaynuhu ku leeyahay dhamaad la,aanta khilaafka xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka isagoo sheegay in madaxwayne biixi qayb ka yahay muranka

Sidoo kale siyaasi cabdirashiid ayaa soo jeediyay in  xisbiyada mucaaridku iska aqbalaan komishanka lagu muransan yahay xisbiga wadani uu kusoo daro xubintiisii dibna loo doorto gudoomiyaha komishanka doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS