|
|||||
WAJAALE NEWS
“Diblumaasiyadda Cusubi Wax kasta Jawaab Umay Haynin, Laakiin Waxa ay Noqotay Taayir Gaadhsiiyey Isbeddel Togan”
January 2, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in xafiiska Midowga Yurub ka shaqaynayo isu soo dhawaynta dadka iyo in masuuliyiintu noqdaan kuwo ay dadkoodu la xisaabtami karaan. Qoraal kooban oo uu danjire Nicolas soo dhigay bartiisa twitterka oo uu ugu tallo galay Soomaalida iyo sannadka cusub, wuxuu ku yidhi sidan “Diblumaasiyadda cusubi wax kasta jawaab umay haynin, laakiin waxa ay noqotay taayir gaadhsiiyey isbeddel togan.” Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxa uu ka shaqeeyaa in uu dadka isu soo jiido, in uu dadeeyo kuwa gaarka u soocan iyo in uu taageero sidii ay masuuliyiintu u noqon lahaayeen kuwo ay muwaadiniintoodu la xisaabtami karaan.” Wuxuu intaas ku daray “Waxa aanu diiradda saaray horumarinta nolosha iyo in aan laga takhalusin.. sannad wanaagsan dhammaantiin.”
Related posts:“Kulmiye Waxa la Gudboon In Uu is ka Baraxo Wax kasta Oo Shaki keeni kara, Waa In Shaqaalaha Dawlada... Wasiirka Macdanta Iyo Wakiilka Shirkada Genel Mr Ibraahim Xasan Oo Qandaraasyo Cusub Hoos-hoos U Bix... DAAW;-Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Ka Hadlay Xarunta Dhaqanka Hargaysa Iyo Fariinta Uu Udiray Dadk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|