“Dadka Rikoodhkooda Ayaa Lagu Qiimeeyaa,Ee Maalin Keliya Ahi Ma Goyso Qofnimadiisa”Garyaqaan Guled Dafac, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dadka Rikoodhkooda Ayaa Lagu Qiimeeyaa,Ee Maalin Keliya Ahi Ma Goyso Qofnimadiisa”Garyaqaan Guled Dafac,
January 2, 2020 - Written by Editor:

Garyaqaan Guleed Dafac Oo Ka Waramay Arimo Shaqo Oo Dhexmaray Xil Siciid Cilmi Rooble, Sheegayna In Aan  Dadnimada Qofka Maalin Lagu Qiimayn Karin,

HARGAYSA(W,N)-Garyaqaan Guuled Dafac gudomiyhii hore ee xarunta madaxabanaan ee xuquuqal iisaanka ayaa ka hadlay taariikhda xildhibaan siciid cilmi rooble iyo doorka muhiimka ah ee uu qaranka iyo dajinta xeerarka dalka ku leeyahay isagoo ka waramay arimo dhexmaray

Garyyaqaan guuleed dafac ayaa bulshada usoo jeediyay dadka in aan lagu qiimayn maalin balse la eego rikoodhkiisa qofnimo.

Guleed dafac oo qoraal uu arimahaasi kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa wuxu udhignaa Sidan;

 

“Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Maalintii U Horaysay Ee aan kulanno waxaan ugu tegay xafiiskiisa isaga oo berigaas ahaa gudoomiyaha Gudida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada. 2013 iyo 2014 midkay ahayd ma hubo. Hore isuma aqoon. Waxaan ula tegay dood nuxur ahaan ku saabsanayd in Xeerka Booliiska oo gudidiisu gacanta ku haysay lagu daro qodobo booliiska hoos gaynaya maxkamadaha caadiga ah (civilian courts). Wuxuu igu yidhi waad qaldan tahay. Ciidanka waxa la gayn karaa oo keliya maxkamad ciidan. Doodaydii ayaan u gudbiyay anoo dastuurka xiganaya. Waan soo baadhayaa ee igu soo noqo ayuu yidhi.

Maalin danbe ayaan ku noqday. Wuxuu yidhi waad saxnayd. Qaabkaas ayaanu u dhigaynaa. Wixii intaas ka danbeeyey marar badan ayaan hawlo la xidhiidha xuquuqal insaanka ula tegay oo uu nagu gacan siiyay. Laba gudi oo muhiim ah ayuu madax u ahaa intan ka shaqaynayay xuquuqal insaanka. Mar wuxuu ahaa gudoomiyaha Gudida Arimaha Gudaha, marna gudoomiyaha Gudida Xuquuqal Insaanka. Shaqsi aannu tirsano oo ku hirano marka wax naga galaan Golaha ayuu ahaa.

Gaar ahaan Xeerka Booliiska ee la ansixiyay 2014 inuu noqdo mid shacabka ilaaliya oo u tudha isaga ayaa iska lahaa. Hawl badan iyo dadaal ayuu geliyay si xeerkaasi u noqdo mid shacabka ilaalin kara. Markii uu ka tegay Gudida Arimaha Gudaha ayaa xeerkii wax-ka-bedel lagu sameeyey oo laga dhigay sida qalafsan ee uu hada yahay.

Anigu mar walba waxaan idhaahdaa Xildhibaanka Golaha igu metelaa waa Siciid Cilmi Rooble. Weli na halkaas ayaan taaganahay oo isagaa xildhibaan ii ah. Dadka rikoodhkooda ayaa lagu qiimeeyaa ee maalin keliya ahi ma goyso Qofnimadiisa”Ayuu garyaqaan dafac kusoo koobay hadalkiisa.

 

 

COMMENTS
LINKS