DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hadhimo Sharafeed Usameeyay Haldoorka Beelaha Gar-xajis. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hadhimo Sharafeed Usameeyay Haldoorka Beelaha Gar-xajis.
January 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maayarka caasimada hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(soltelco) ayaa casuumad sharafeed ku maamuusay haldoorka beelaha garxajis oo iskugu jira madaxdhaqameed,siyaasiyiin iyo xubno kale oo muhiim ah.

Casuumada uu fidiyay maayarka caasimadu ayaa waxaa goob joog ka ahaa suldaanka guud ee beelaha subeer iyo siyaasiyiin isla beesha madaxwayne biixi,.

Kulan oo ka qabsoomay huteelka guuleed ee magaalada hargaysa ayaa  mid si wayn loo soo agaasimaay iyadoo ay xubanah casuumada loo fidiyay ay hormuud ka ahaayeen gudidii soo afjarida jabhadii col caare iyo badi siyaasiyiinta beelaha garxajis

Casuumadan ayaa dhanka kale abuurtay dareeno siyaasadeed oo hadalhaynteedu ku badnay shacabka caasimada taasi oo lagu micneeyay in ay ahayd kulan siyaasadeed gun dhig u ahaa qorshe madaxwayne biixi u doonayo in uu sameeyo isbahaysi cusub iyo heshiis is hoose udhexmara beelaha garxajis oo mudo ay ku kala fogaayeen siyaasada halka ay dhanka kale kulanka uu saamayn siyaasadeed laga cabsi qabo in uu ku keeno xulafadii beesha bariga burco iyo beesha madaxwayne biixi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS