Weerar Ismiidaamin ah Oo Lagu Qaaday Saraakiil Katirsan Ciiddanka Somaliya Oo Ku Sugan Gaalkacyo Iyo Khasaaraha Uu Sobobay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weerar Ismiidaamin ah Oo Lagu Qaaday Saraakiil Katirsan Ciiddanka Somaliya Oo Ku Sugan Gaalkacyo Iyo Khasaaraha Uu Sobobay!
December 21, 2019 - Written by Editor:

GAALKCAYO(W,N)-Gaadhi lagasoo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa Ayaa lagu weeraray hotel kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil uu kamid ahaa taliyaha ciiddanka lugta Soomaaliya sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha, saraakiil iyo masuuliyin kale oo ku sugnaa gudaha hotelka ayaa ka badbaaday weerarkan, waxaana khasaare uu soo gaadhay ciiddankii ilaalada u ahaa taliyaha iyo dad shacab ah.

Weli lama xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca, waxaana wararku ay sheegayaan in gaadhiga ismiidaamiyaha uu ku dhacay mid kamid ah gaadiidka ciiddanka ilaalada taliyaha.

Wararka laga helayo khasaaraha uu gaystay weerarkan ismiidaaminta ayaan Illaa  hadda laga helin macluumaad dheeraad ah waxaana socda gurmadka dadkii ku waxyeelobay qaraxan.

Weerarka ayaa ka dhacay goob aad u mashquulsan badan oo ay ku badan yihiin gaadiidka iyo dadweynaha.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena danbe

 

COMMENTS
LINKS