|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaan Bogaadinayaa Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Horumarka Muuqda Ku Talaabsaday, Shacabkana Waxaan..” Suldaan Salmaan.
December 3, 2019 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu salmaan) oo kamid ah madax-dhaqameedka Reer somaliland Gaar ahaan gobolada gabiley iyo maroodi jeex ayaa maamulka Dawlada hoose ee gabiley ku amaanay wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsadeen isagoo shacabka reer gabileyna uga mahad Celiyay sida fiican ee ay ula shaqeeyeen Golaha deegaanka gabiley ee uu hormuudka u yahay maayarka Maxamed Amiin Cumar Cabdi. Sidoo kale suldaan salmaan ayaa maayarka gabiley ku amaanay sida latashiga leh ee uu bulshada ula wadaagay miisaaniyadii hore sida ay ubaxday iyo qorshaynta odoroska miisaaniyada soo socoto oo uu kulama arimahaasi la xidhiidha la tashi kala yeeshay aqoonyahan shacabka ku dhaqan magaalada gabiley iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Dhanka kale suldaan salmaan ayaa fariin diray dadka dhaliila maamulka oo uu uga digay in ay caadaystaan dhaleecaynta madaxda. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; https://youtu.be/M_grjub1WEY Related posts:DAAWO;Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay In Xuska 18-May Iyo in Ay Kasoo Qayb Galayan ... DAAWO; Madaxwaynaha Jsl Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Warbixiyay Safar... Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Oo Loo Soo Jeediyey Inuu Qunliyado Ka Furo 7 Magaalo Oo Ay Caasimad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|