Wasiirka Hawlaha Guud Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Halka Uu Marayso Qorshe Usamaynta Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Halka Uu Marayso Qorshe Usamaynta Magaalada Gabiley.
December 28, 2019 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)- Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryayta cabdirashiid qambi ayaa faah faahin ka bixiyay halka umarayo qorshe usamaynta magaalada gabiley oo uu sheegay in ay wakhtigan gabo gabo ku dhow dahay.

Sidoo kale wasiirka wasaarada hawlaha guud ayaa isku duwaha wasaarada ee gobolka gabiley ku maamuusay shahaado sharaf isagoo ku amaanay sida hagar la,aan ah ugu shaqeeyay qaranka door laxaadlena ka qaatay hirgalinta town planeka magaalada gabiley.

Dhanka kale wasiirka hawlaha guud ayaa shahaado sharaf ku maamuusay maayarka magaalada gabiley iyo golaha deegaanka gabiley oo uu  xusay in la,aantood aanay suurto gasheen hawshani haday tahay dhaqaale iyo wada shaqaynba

DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS