|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka Jsl Oo Maalmihii UDanbeeyay Kormeer Ku Marayay Degmooyinka Uu Ka Socdo Mashruuca JPLG.
December 16, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Barnaamijka JPLG-ga Ee Xafiiska Madaxwayne Kuxigeenka hoos-taga ayaa ah mid kamida mashaariicda ugu balaadhan dalka qiimaha ugu badan ku baxo Mashruucan oo mahmiyadiisa koowaad ay tahay hirgalinta nidaamka Maamul Daaddejinta (Decentralisation) Iyo Horumarinta deegaanka. Barnaamijka Join Programme Local Government (JPLG) ayaa waxa Maalgalintiisa (Donated) iska kaashadeen Hay’adaha Caalamiga ah Ee; *UN Habitat, ILO, iyo UNCDF, USAID Iyo UNICEF*…. (*The United Nations Joint Programme on Local Governance is implemented by five UN agencies – the United Nations Capital Development Fund (UNCDF), the United Nations Development Programme (UNDP), UN-Habitat, UNICEF and the International Labour Organisation (ILO). The programme is supported by funding from Denmark, the European Union, Norway, Switzerland, Sweden, USAID, the United Kingdom, and the UN Peacebuilding Fund)*. Kaasoo ay fulintiisa (Implementation)-**kiisa ay gacanta ku hayaan Dawladaha Hoose ee Barnaamijka Kasocdo ayaa ah mid waxtar badan uleh bulshada. Kaasoo waxqabadka mashaariicdu salka ku hayaan sidii loo horumarin lahaa baahiyaha aas’aasiga ah ee bulshada ka yiimaada. Maadamo micnaha ama ujeedada Barnaamijkan ay tahay hirgalinta nidaamka maamul daadejinta oo mashaariicdu yihiin baahiyo kayimi ama kusalaysan Rabitaanka Bulshada Heer Tuulo, Heer Degmo, Heer Gobol ilaa Heer Qaran. Si Mashruuca la qabanaya qiimo ugu yeesho Deegaankasi oo meeahii Cusbitalka u baahnayd aan wax kale looga fulin oo loo eego kala mudnaanta baahiyaha deegaan. Sidaadarteed, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Kaalin Muhiim ah kula Barnaamijka JPLG-ga ayaa qayb ka ah sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha deegaan dalka Run ahaantii baahida ugu wayn ee Bulsho ayaa ah mid caafimaad. Haday tahay; Xarun, Agab, Gaaddiid Iyo Dhakhaatiirba. Maadaamo baahida caafimaad aanay dhamaan cuduraduna yihiin Kuwo faafa, kuwo fida iyo kuwo soo kordha. Sidaadarteed ay muhiim tahay joogtaynta deddaalka Caafimaad haday tahay Dhaqaale iyo haday tahay farsamo. .Sikaste ha ahaate, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL ayaa Kormeer ku sameeyay degmooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Oodwayne, Borama Iyo Gabiley. Kormeerkan oo ahaa qiimaynta mashaariicdii dhamaanaye 2019 baxay. Sidoo kale, Wasiirku wuxu kasoo dhagax-dhiga mashaariicda sanadka dambe 2020 loo qorsheeyay degmooyinkaasi in laga fuliyo. Kuwaasoo qayb ka noqon doona bilawga wajiga Sadexaad 3aad ee Barnaamijka JPLG-ga. Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa qayb ka ahaa Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Madaxwayne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici kuwaasoo ka koobnaa Wasiirada Wasaaradaha qaybta ka ah Barnaamijka JPLG ee Xafiiska Madaxwayne Kuxigeenka JSL. Kormeerkan oo sanadkiiba hal mar lagu qiimeeyo waxaqabadka Dawladaha Hoose ayaa misana ahaa mid lagusoo afmeerayo wajigii Labaad ee Barnaamijka sidoo kale lagu gogol xaadhayay wajiga Sadexaad 3aad ee Barnaamijka. Safarka Ayaa kusoo dhamaaday sidii loogasii horumari lahaa heerka Degmooyinka Mashruuca JPLG-gu taagan yihiin. Sidoo kale, loo yeelan lahaa isla xisaabtan cad ah iyo hufnaanta banyaal-nimo ee Dawladaha Hoose. .???????? ?????????? ?????????? & ???‘??????. ?????????? ??????????? ??????????? ???. Related posts:DAAWO; Dawlada Hoose Ee Hargaysa Hirgalinaysa Wado Isku Xidhaysa Degmada Ibrahim Koodbuur Iyo Xaafad... Faro Galinta Muuse Biixi Ee Saldanada Subeer-Awal Oo Seeska u Dhigtay Isburinta Siyaasadiisa Iyo M... DAAWO; La taliyaha Dhaqaalaha Ee Madaxwaynaha Somaliland Dr. Cismaan Sh. Ahmed Oo Ka Warbixiyay Waxy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|