Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dilka Wiil Maydkiisa Magaalada Wajaale Laga Helay Afar Cisho Kadib Iyo Askar Loo Xidhay Xidhay Falkan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dilka Wiil Maydkiisa Magaalada Wajaale Laga Helay Afar Cisho Kadib Iyo Askar Loo Xidhay Xidhay Falkan!
December 19, 2019 - Written by Editor:

Dhacdo Argagax Leh; Wajaale:Wiil Boolisku Rasaas  Ku Dileen Raqdiisiina Waraabe Cunay!

Tog-Wajaale(W.N):Maalintii Shalay Ahayd  Ayaa Waxaa Beer ku Taal duleedka magaalada Tog-wajaale laga dhex helay maydka wiil dhalinyaro ah oo intii badnayd jidhkiisa waraabe cunay.

Wiilkan oo madaxiisa la aqoonsaday ayaa waxuu ahaa wiil lagu magacaabi jirey Marxuum Caydaruus maxamed  daahir  oo 22 jir ah oo ka mid ah dhalinyarada Ka shaqaysata gaadiidka bijaajka ee magaalada tog wajaale.

Waxaanay wararku sheegayaan  afar cisho ka hor in sadex askari oo ka tirsan booliska Somaliland  oo ku sugnaa kaantaroolka galbeedka magaalada ee Garbahaaray ay weerer ku qaadeen oo rasaas nool ooda kaga qaadeen marxuum caydaruus  iyo wiil kale oo saaran bajaaj.Taasi oo xabadii ku dhacay marxuumkan geeriyooday.

Sidoo kale wararka laga helayo dhacdadan fooxa xun ayaa  intaa ku daray in marxuum caydaruus ay ku dhacday rasaastii boolisku ku rideen balse lama xaqiijin karo in uu beerta galay isagoo dhaawac ah  oo waraabuhu cunay isagoo sakaradaya   iyo inay boolisku mayd ahaan uga tageen. Odeyga beerta leh ayaa sheegay in boolisku sadexdaa cisho iyagoo xaajiyad watay ku soo noqnoqonayeen agagaarka beerta taasoo u muuqata inay hubsanayeen bal raq iyo ruux halkuu wiilkii ku danbeeyey inay ogaadaan.

Maalintii shalay markii la soo helay maydka wiiilkan yar ee laba iyo labaatan jirka ah oo waraabe cunay ayaa waxaa gadooday ehelkii iyo qaraabadii marxuumka isla markaana mudaharaad isugu soo baxay magaalada wajaale dhexdeeda mar kale booliska ayaa xoog iyo awood u isticmaalay dumarkii iyo caruurtii ka gadoodsanaa maydka wiilkooda ee la helay isagoo madaxa xabad kaga taal oo waraabe cunay qaarka hoose ee jidhkiisa. Waxaana muuqaal muujinaya hooyo ka mid ah ehelka marxuumka oo ciidamada boolisku ku jidh dilayaan badhtamaha magaalada wajaale lagu baahiyey baraha bulshadu ku xidhiidhi gaar ahaan facebookga.

Inkastoo aan weli war rasmi ah dawlada Somaliland ka soo saarin dhacdadan argagaxa leh hadana waxay noo sheegeen maamulka  magaalada Tog-wajaale oo aan la xidhidhnay  in la xidh xidhay askartii falkan gaysatay isla markaana ay socoto baadhista kiiskaasi

Si kastaba ha ahaatee waxaa weli oogan xiisada ka dhalatay kiiskan la yaabka leh oo wali waxaa kacsan ehelkii wiilka marxuumka ah ka dhashay

Waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco wajaale news oo isha ku hay

WAJAALENEWS DESKA

TOG WAJAALE OFFICE

 

COMMENTS
LINKS