War Muriyeed; Shirkii Isbedelka Cimilada Aduunka Ee Lagu Qabtay Madrid Iyo Baaqa Oxfam! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Muriyeed; Shirkii Isbedelka Cimilada Aduunka Ee Lagu Qabtay Madrid Iyo Baaqa Oxfam!
December 15, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Waxa Magaalada Madrid Ee Dalka Spain ku soo Gabagaboobay Shirkii laga Arinsanayey Isbedelka Cimilada aduunka, kaasi oo lagu lafa gurayey sidii xal waara looga gaadhi lahaa arintaasi. Hay’adda Oxfam oo ka hawl gasha in ka badan 90 waddan oo dunida ah isla markaana ka mid ah dhaqdhaaqyada caalamiga ah ee u ololeeya ka hor taga isbedelka cimilada ayaa Xafiiskeeda Hargeisa war ka soo saartay war muriyeed ay arintaasi kaga hadlayso. Wuxuna udhignaa Sidan

 War Murtiyeed.  13.12.2019;

Shirwaynihii lagaga Arinsanayey isbedelka cimilada (C0P 25) ee 2 – 13 December ka qabsoomay magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa waxa uu ku soo dhamaaday natiijo aan fiicnayn. Dowladahii  ka qayb galay shirkaasi ayaa waxa laga rajeynayey in ay la imaadaan qorsheyaal rasmi ah oo xal loogu raadinayo isbedelka cimiladda ayaa waxa ay isku af-garan wayeen arimo la xidhiidha xaga farsamooyinka iyagoo iska dhaga tiray baqyadii ay shacabku soo jeedinayeen bilihii u dambeyey.

Isbedelka cimiladu waxa uu saamayn taban ku yeeshay waddamadda dhaqaalahoodu hooseeyo sida Soomaaliya oo kale. Wasakhowga hawadda ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee loo aaneeynayo Isbedelka cimiladda ayey guud ahaan qaarada afirka ku leedahay wax ka yar boqolkiiba shan haddana dhibaatooyinka ka dhashay isbedelkaasi cimiladu waxa uu si daran u sameeyey qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska afrika sanadihii u dambeeye waxa uu la il-.darnaa abaaro daba dheeraaday iyo roobab dufaano wata oo baabiye dalagyadii soo bixi lahaa.

“Bulshadda Soomaaliyeed waxa soo wajahay xaalado adag, roob la’aan iyo abaaro daba dheeraaday iyo waliba dufaano hor seeday barakac baahsan. Waxa aynu marag ka nahay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadkaasi barakacay oo xoolihii ka dhamadeen, Waxaanu ka rajeynayn in Shirka ay ka soo baxaan qorsheyaal rasmi ah iyo magdhow la siiyo dadka isbedelka cimiladu saamaysay ee aan iyagu qaybta ka ahayn wasakhowga hawada. Waxaan ugu baaqaynaa waddamadaasi in ay la yimaadaan xal waara oo wax laga qabanayo xaalada cakiran ee ay sababtay isbedelka cimiladu” ayuu yidhi Amjad Cali oo ah directorka Xafiiska Oxfam ee Somalia.

Haweenka iyo caruurta ayaa iyagu ah kuwo aad ugu sii nugul dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada. Abaarta iyo biyo la’aanta ayaa culays badan sii saaraysa hooyoyinka Soomaliyeed oo iyagu masuul ka ahaa korinta iyo daryeelista ubadka iyo gurigaba. Haweenku waxa ay meelo aad u durugsan ka dontaan biyaha iyo xaabada taasi oo inta badan khatar galisa iyaga iyo ubadkoodba.

Oxfam waxa ay ka shaqaysaa degaanada Soomaalida iyada oo kaashanaysa hayadaha dowliga ah wax ay caawimooyin gadhsiisaa dadka jilicsan ee ay abaarahu saameeyeen.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

COMMENTS
LINKS