WAR Deg Deg Ah; Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Al-nuur General Oo Laga Qafaashay Bariga Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR Deg Deg Ah; Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Al-nuur General Oo Laga Qafaashay Bariga Magaalada Hargaysa.
December 23, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N)-Waxaa Bariga Magaalada hargaysa Habeenkii xalay ahaa  laga Afduubay gaadhi Xamuul siday oo ay leedahay shirkada Alnuur General Trading Noociisuna Yahay UD NO;89067, Kaasi Oo dablaydii Afduubtay Ula baxsadeen Deegaanka Gacan Libaax.

Wararka laga helayo gaadhi shirkada alnuur ee la afduubay xalay canbaaro 3;00AM ayaa la sheegay in uu Qorshaha Afduubka Gaadhigan uu fuliyay kirish Boygii la socday gaadhi oo kooxo kale gacansiinayso, sida uu noo xaqiijiyay midka ah Madaxdhaqameedka beesha uu kasoo jeedo Ganacsadaha leh Shirkada Alnuur GTRD Ganacsade Maxamed Daahir,

Sidoo kale Wararka  Dheeraada ee kasoo baxay gaadhi shirkada alnuur ee la qafaashay ayaa intaa ku daray in ciidamada booliska  oo gurmad ka galay dhacdadani ay suurto galisay in ay gaadhiga gacanta lagu soo dhigo   deegaanka GOL WARAABE Oo ka agdhow buurta gacan libaax  halkaasi oo dablaydii gaadhiga Afduubtay kaga yaaceen kadib markii uu ka galay Doox,Gaadhiga oo rar culusi saarnaa awgii, halkaasi oo ay ku gaadheen ciidamada booliska oo raadco dheer ka galay falkan foosha xun ee lagu Qafaashay Gaadhiga shirkada ALNUUR.

Gaadhigan ayaa wali soo gaadhin gacanta masuuliyiinta shirkada alnuur,

Sicad Looma Oga sobobta keentay in gaadhigan oo rarnaa uu Afduubo gacan yarihii la socday gaadhi xili uu dirawalka gaadhi hurdo Tagay.

Afduubka Gawaadhida Ganacsada Reer Somaliland Ee bariga Magaalada Hargaysa Laga Afduubo Gawaadhigoodada  ayaa noqonaya kii labaad ee falkaasi lagula kaco kadib markii mudo hada laga jooga sanad ku dhawaad Ay Agagaarka huteelka kaah laga afduubay gaadhi ay lahayd shirkada Oomaar Company oo isna ciidamada boolisku kasoo qabteen deegaanka cadaadlay wallow Aan xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin dablaydii falkaa hore gaysatay,

Dhanka kale Shirkada laga afduubay Gaadhi ee Alnuur iyo Shirkadii Hore ee iyana laga Afduubay Gaadhiga ee Oomaar Company ayaa labaduba kasoo jeeda Deegaanka Gabiley. halka Kooxda Labada Jeerba Afduubka Gaysatay ay kasoo wada jeedaan Deegaanka Bariga Hargaysa Ee Gacan Libaax Iyo Oodwayne, Wallow aan la garan Karin Ujeedooyinka Rasmiga ee ka Danbeeya Qorshayaashan Isku Eeg,iyo afduubka ku kooban gaadiidka ganacsada isku gobolka ah

Wixii kasoo kordha afduubka gaadhiga shirkada ALNUUR KALA SOCO WARARKEENA DANBE,

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

 

 

 

COMMENTS
LINKS