|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Ciidamada Liyuu Booliska Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Deegaanka Allay-Baday+ Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac!
December 18, 2019 - Written by Editor:ALLAY BADAY(W,N)-Ciidamada Liyuu Booliska Ee dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa Dad shacab ah ku laayay deegaanka Allaybaday Ee Xadka Udhexeeya somaliland Iyo Itoobiya dhinaca qarka shishe ee ay maamusho DDSI. Wararka laga helayo Dhacdadan dadka shacab ah ciidanka liyuu boolisku ku dileen ayaa sheegaya in ay maanta duhurkii Bilaaban Tahay kadib markii ciidamada liyuu boolisku xabad ku fureen Gaadhi Shacab oo marayay deegaana Caraan Carka Xuduuda udhow Kaasi oo Sobobtay dhaawaca laba qof oo xaaladoodu culus tahay. Sida Ay Noo sheegeen qaarkamid dadka deegaanka ciidamada liyuu boolisku maanta dadka shacabka ah ku laayeen ayaa xaqiijiyay dhaawaca laba qof , Dhanka kale dilka maanta dhacay ayaa sobobay kacdoon shacabk oo caawa mar kale ay isku dhaceen gudaha magaalada allaybaday qaybta itoobiya ciidanka liyuu booliska iyo shacabka deegaanku kaasi oo rasaastii ay ciidanka liyuu boollisku ridayeen ku dhacday wiil dhalinyaro ah oo isla goobtii ku geeriyooday Alle haunaxariistee Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray MARXUUM Naasir Cabdi Aadan. Halka Labada qof ee maanta ay ciidanka liyuu boolisku dhawaceen lagu kala magacaabo; 1; Shacaan Axmed ismaaciil. 2 Maxamed cumar goohe(Dhagax Nuur Gaab,) Magaalada allay baday ee dhinaca itoobiya ayaa xiligan Ah mid ay aad u kacsan yihiin shacab deegaanku kaasi oo marwalba laga cabsi qabo in ay istaadhmaan rabshado lagaga soo horjeedo falalka dilka ah ciidanka liyuu boolisku kula kaceen shacabka deegaanka. Taasi oo sobobi karta in xataa ay saamayso dhinaca Somaliland Magaalada allay baday ayaa ah xuduud kala qaybisa Somaliland iyo itoobiya waxaa laga war sugu doonaa wararka danbe ee kasoo baxa. WAJAALENEWS DESK TOG WAJAALE OFFICE.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|