|
|||||
WAJAALE NEWS
Sida Ay Ku Timid “Xul-MAAHA Ee WAA XAl”.?W/Q; Maxamuud Jawhar.
December 2, 2019 - Written by Editor:“Somaliland Dhinaca Siyaasada Lama Guurin Geedigii Loo Baahnaa”. Madaxwaynihii Geeriyooday ee somaliland Maxamed X Ibraahin Cigaal AHN ayaa la waydiiyey, qaab nooceeya ayaad u soo xulataa dadka aad xilalka u magacawdo? Madaxwayne Maxamed cigaal waxa ku jawaabay kalmad u gashay diiwaanka siyaasada “WAA XAL EE XUL MAAHA”. Oo Macno ahaan noqonaysa waa iska qarjajac iyo in Beelaha wada daga Somaliland in ay iska dhex arkaan kuraasta dawlada si beelina aanay iskaga dhex-waayin kuraasta arintaasi waxay ahayd mid xaqiiq marka loo eego marxaladihii dalku ku jiray ee yebyebka ahaa. Hadaba ilaa hada oo 18 sanno laga joogo wakhtiga marxuum Cigaal sidaa lahaa, oo la marayey wakhti xasaasi ah, laguna jiray dib u dhiska Dalka iyo midaynta bulshada sidaas ayey cudur daar ku lahayd kalmada uu ku jawaabay marxuum madaxwayne Maxamed Ibrashin Cigaal. Sidoo kalena marka la eego wakhtigan imika la marayo ee 2019 ma muuqato wax horumar ah oo laga sameeyey nidaamkii hore ee madaxwaynayashii soo maamulay dalka ee ku salaysanaa nidaamka Beelaha lagu siin jiray kuraasta. Waxan hada laga gaadhay wakhtigii madaxwayne muuse biixi cabdi ka gudbi lahaa Nidaamkaa hore, ee lagu soo magacaabi jiray siyaasiyiinta Xukumadda ee Boskaa wasiir reer hebel ku badal, qof ka soo jeeda Isla Beeshiisa ah. iyo wasaaradaa waxa iska leh reer hebel, inta ay sidaa tahayna waa nidaam kii ku salaysanaa Erayga Xal maaha, ee waa qarjajac.walina siyaasada wax horumar ah uma guurin halkii loo baahnaa in loo guuro. QALINKII; SUXUFI MAXAMUUD XUSEEN JAMAC(JAWHAR)- COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|