|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagu Ansixiyey Xeerar kuwa kalena lagu Qaybiyey.
December 12, 2019 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka, iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey. Fadhigii golaha wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka. Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu, iyada oo nuqullo kamid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga loo qaybiyey golaha. Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka.
https://youtu.be/-gHPrAfgL4g
ALLAA MAHAD LEH COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|