Shirkada DP World Oo Sharraxday Deeqo Waxbarasho Oo Ay Siinayso Ardayda Reer Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada DP World Oo Sharraxday Deeqo Waxbarasho Oo Ay Siinayso Ardayda Reer Somaliland.
December 19, 2019 - Written by Editor:

DUBAI(W.N)-Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay kala shaqeynayso dugsiga Abaarso ee ku yaalla Caasimadda Hargeysa, si ay kor ugu qaado fursadaha waxbarasho ee day’arta Somaliland.

Iskaashiga ay shirkadda DP World ay la yeelatay dugsiga Abaarso waxa ka qaybgalay Suhail Albanna oo ah Agaasimaha DP World u qaabilsan dalalka Bariga dhexe iyo Bariga Afrika.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin ay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM ay ka qortay deeqo waxbarasho  oo ay iska kaashanayaan DP World iyo dugsiga Abaarso, waxana lagu sheegay war-saxaafadeed shirkaddu soo saartay in dugsiga Abaarso ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadu uu yahay dugsiga kaliya ee Somaliland ku yaalla ee uu aqoonsaday  Maraykanku.

Waxa kaloo Shirkadda DP World  ee Berbera  ay intaas ku dartay in maalgelinayso toban arday oo wax ka baran doona muddo lix sannadood ah dugsiga Abaarso, waxana ay DP World xaqiijinaysaa in fursadaha tacliimeed ee dugsiga Abaarso u furan yahay ardayda reer Somaliland, iyadoo aan loo eegaynin awoodooda dhaqaale.

Deeqda labaad oo sannadle ah  waxa ay shirkadda DP World  Berbera ay  siinaysaa Siddeed Hablood oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, kuwaasi oo ku biiraya Barwaaqo University oo ah Jaamacad uu furay dugsiga Abaarso sannadkii 2017kii isla markaana ah ta kaliya ee Boodhin ah oo hablaha u gaar ah ee ka jirta Somaliland.

Deeqdan waxbarasho waxa ay shirkadda DP World tilmaantay inay ugu talogashay in hablahaasi ay ku soo noqdaan gobolka Saaxil, si wax kaalin uga qaataan horumarinta tayada waxbarashada gobolkaas.

Agaasimaha DP World ee bariga dhexe iyo bariga Afrika Suhail Albanna ayaa  sheegay dugsiga abaarso ee xidhiidhka la leh Maraykanku uu wax ka tarayo horumarka iyo fursadaha waxbarasho ee ka jira Somaliland. Waxa kaloo uu xusay in hablaha  ka soo baxa Jaamacadda Barwaaqo ay gobolka Saaxil ka caawin doonaan sidii looga hirgelin lahaa Berbera nidaamka caalamiga ah ee waxbarashada.

Dugsiga Abaarso oo wakhtigan  ay dhigtaan ardeyda fasallada 7 -12, Waxa ay hadda ka furtay Iskuulkeedii 1-aad ee Kaabe  magaalada Hargeysa, kaasoo la qori doono ku dhawaad 700 oo arday. Iskuulka DP Berbera Kaabe wuxuu raacayaa nidaamkan  ujeeddadiisu tahay inuu helo aqoonsiga Mareykanka. Dugsigan ayaa shaqaalaha DP World ee Berbera  u saamixi doona fursad ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho tayo sare leh halkii ay  ugu diri lahaayeen dugsiyada  boodhinnada.

XIGASHO; Solnanews.com

 

COMMENTS
LINKS