Midowga Yurub Oo Geel Argagixisada Lagula Dagaallamayo Siiyay Dal Afrikaan Ah Iyo Hadal-haynta Ka Dhalatay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo Geel Argagixisada Lagula Dagaallamayo Siiyay Dal Afrikaan Ah Iyo Hadal-haynta Ka Dhalatay!
December 11, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Midowga Yurub ayaa 250 neef oo geel ah ugu yaboohday dowladda Mauritania ee Galbeedka Afrika, taas oo qeyb ka ah dedaallada argagixiso la dagaalanka iyo adkaynta amniga xuduudaha loogu jiro.

Markii geela la gaadhsiiyay magaalada Achemin ee bariga ku taalla, dadkii tuulo joogga ahaa aad ayay ula yaabeen, sababtuna waxa ay tahay in Mauritania ay tahay dalka geela adduunka ugu badan uu ku noolyahay, sidaas oo ay tahayna geel loogu deeqay.

Arrintan ayaa si weyn loogu maadeystay baraha xidhiidhka bulshada, kumannaan qof ayaana hadalheyn ka dhigtay.

Khubarada maxalliga ah ayaa sheegay in geel tiradiisa lagu qiyaasay 3 milyan uu ku nool yahay waddankaas ay tirada shacabkiisa yihiin 4 milyan oo ruux.

Geelan hadiyadda ah ee ka yimid Midowga Yurub ayaa la siiyay cutubkaa awrta rukuubta ah ee qeybta ka ah ciidanka dalkaas, sida uu sheegay Jeneral Masgaro Aould Sidi.

Midowga Yurub geel ma leeyahay?

Sawir uu qoraal la socdo oo wakaaladda wararka Al Akhbar ay boggeeda Facebook kusoo daabacday ayaa laga bixiyay boqolaal faallo iyo astaanta qosolka, iyada oo qof ka mid ah faallo bixiyeyaasha uu yidhi “Geel hadiyad ah ayaa Yurub nooga yimid, balse geel badan ayaan halkan kusii haysanay”.

Qof kale ayaa is weydiiyay “Midowga Yurub geel ma leeyahay?”.

Dadka qaar ayaa soo jeediyay in la joogo xili casri ah, loona baahnaa aalado casri ah oo amniga wax looga qabto.

Hadiyaddan waxay dadka qaarkiis ku tilmaameen mid bahdil ah oo ciyaar looga dhiganayo shacabka waddankaas.

Geelan hadiyadda ah ayaa qeyb ka ah qorshe kaalmo ah oo dhan 14 milyan oo dollar oo reer Yurub ay ugu talogaleen Mauritania.

Mauritania ayaa waxa ay leedahay cutubyo ciidan ah oo dhanka miyiga ka hawlgala, kuwaas oo haysta gaadiidka reer miyiga ah, waxayna mararka qaar qabtaan hawlaha danta guud, sida wacyigalinta.

 

COMMENTS
LINKS