Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Oo Ka Gaybgalay Munaasibad Lagu Soo Gabo Gabeeyay Mashruuc Cilmi Wadaag. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Oo Ka Gaybgalay Munaasibad Lagu Soo Gabo Gabeeyay Mashruuc Cilmi Wadaag.
December 21, 2019 - Written by Editor:

Hargaysa,(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye oo ay Wehelinayeen wasiir kuxigeenka WW&S Md.Axmed Xasan Nuur iyo agaasimaha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad lagu soo gebogabeeyey mashruuca cilmi wadaag (Somali Wide Education Synergy “SWES”) oo muddo 12 sano ah ka caawinayey xafiiska imtixaanaadka iyo horumarinta manaahijta kharashaadka iyo dhanka tababarada shaqaalaha xafiisyadaas.

Mashruucan oo midawga yurub ku maalgelin jireen waxbarashada somalilang ayaa waxa hirgelintiisa ka wada arrinsan jirey hay’ada AET iyo wasaaradda waxabarashada iyo sayniska. madaxda hay’ada AET oo munaasibadaa ka hadashay ayaa ku dheeraaday, muddadii dheerayd ee ay la soo shaqaynayeen guud ahaan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo xafiiska imtixaanaadka, waxaanay ugu mahadnaqeen madaxda xafiiska imtixaanaadka qaranka sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen.

Sidoo kale, Axmed macallin Madaxa hay’ada AET ee xafiiska Somaliland ayaa sheegay, in ay wada shaqaynta hawlaha kale ee ay la wadaan wasaaradda halkaa ka sii wadi doonaan laakiin uu dhammaaday oo kaliya mashruucaa SWES ee ay 12 sano ah ka wada shaqaynayeen xafiiska imtixaanaadka qaranka.

Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka Md.Daa’uud Axmed Faarax ayaa madaxda hay’ada AET uga mahadnaqay muddadii dheerayd ee ay ka caawinayeen horumarinta iyo taabogelinta hawlaha imtixaanaadka qaranka. Dhanka kale, waxa uu guddoomiyuhu munaasibadaa ka sheegay, in xafiiska imtixaanaadka baahidiisa ugu weyni maanta tahay, sidii loo kordhin lahaa dhanka dhismaha oo haatan aad ugu kooban.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa uga mahadnaqay midawga Yurub iyo hay’ada AET caawimadii laxaadka lahayd ee ay ka geysteen maalgelinta iyo tababarada hawlaha imtixaanka Somaliland. Dhanka kale, agaasimuhu waxa uu xusey labadii sano ee u danbeeyey in ay hay’ada AET bixinayeen boqolkii ba labaatan (20%) halka boqolkiiba siddeetanka kale laga maalgelinayey miisaaniyada qaranka JSL. Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay, in imtixaanadda shahaadiga ah ee sannadkan badankeeda ay bixin doonto dawlada Somaliland. Agaasimaha guud sidoo kale, waxa uu ku dheeraaday, koritaanka balaadhan ee ku yimi ardeyda iyo dugsiyada u fadhiista imtixaanaddda shahaadiga ah.

Wasiirk kuxigeenka WW&S Md.Axmed Xasan Nuur ayaa isaguna ku guubaabiyey hawl-wadeenada iyo madaxda kala duwan ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska sidii loogu diyaargaroobi lahaa hawlaha imtixaanka ee sannad dugsiyeedka 2019/2020.

Ugu danbayn, wasiirka WW&S Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa ugu mahadnaqay madaxda hay’ada AET iyo midawga yurub ba gacantii caawimo ee ay ka geysteen Imtixaanada shahaadiga ah ee JSL. Dhanka kale, waxa uu wasiirku kula dardaarmay dhammaan saraakiisha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, in sharciyada lagu adkaado oo lala dagaalamo waxyaabaha ka hor imanaya xeerarka iyo siyaasadda waxbarashada qaranka.

COMMENTS
LINKS