|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Katirsan Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Gabiley Ayna Noqon Doonin Goob U Xidhan Xisbiga Kulmiye.
December 20, 2019 - Written by Editor:GABILEY (W,N)-Xubno katirsan xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Gabilay wafdi ka socda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hogaaminayo xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani Dr. Axmed Cabdilaahi Cige (Axmed Shugri). Ujeedada safarkan uu hogaaminayo Xoghaye Axmed Shukri ayaa daarnaa sidii loo dardar gelin lahaa xaruntii xisbiga Waddani ku lahaa magaalada Gabilay iyo sidii xisbigu xidhiidh waji cusub leh ula yeelan lahaa bulshada Gabiley iskulana jaad qaadi lahaayeen. Xogahaye Axmed shukri iyo waftigiisii ayaa kulan goos-goos ah la yeeshay Xildhibaanada xisbiga Waddani uga soo baxay Gabiley bal si xogogaal xisbigu ugu noqdo waayaha taageerayaasha xisbiga iyo siyaasada Gobolka. Xoghayahaye Shukri ayaa sheegay in Gabiley ayna noqon doonin goob u xidhan xisbiga kulmiye Dhinaca kale waxa isna Khadka telifoonka kaga qayb galay is-xogwaraysigan Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo sheegay in xisbigu hindise cusub oo lagu hanan doono codka Gabiley uu diyaariyey, Gabiley-na tahay halka ay ka bilaabayaan daawaynta xanaftii doorashada iyo isdhex-galka bulshada. Is-xog waraysigan ayaa sida ay tibaaxeen waftigu in uu yahay hor dhac iyo gogal xaadh. Hadafkuna Yahay in Gabiley noqoto Gobol ay hagar la’aan uga hawl gali karaan ee aanay marnaba suurta gal ahayn in ay ahaato goob codayneed oo u xidhan xisbiga kulmiye. Kulankan oo saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa ahaa mid dareenkiisa watay maadaama wakhtigan ay wadanku ku jiro xamaasad is-mariwaa oo aan wali mucaaridka iyo xukuumadu isla meel dhigin xal soo afjara khilaafkii doorashooyinka ee taagan. Waxaana waftiga Gabiley ku soo dhaweeyey Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor, dhalinyaro iyo haween iyo xubno qurbo-joog ganacsato ah oo u dhaqdhaqaaqa horumarka dadka deeganka Gobolka Gabilay. WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|