Marwo Aamina Aw Jaamac Oo Dareen Damqasho Leh Ka Muujiyay Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Caruurta Darbi jiifka Ah Ee Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwo Aamina Aw Jaamac Oo Dareen Damqasho Leh Ka Muujiyay Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Caruurta Darbi jiifka Ah Ee Magaalada Wajaale.
December 27, 2019 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Marwo Aamin Aw Jaamac Muumin oo kamid Qurba joogta reer Somaliland oo wakhtiga ay ku sugnayd magaalada tog wajaale waxay indhaheeda ku aragtay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin caruurta darbi jiifka wakhtiga dhaxanta ayaa dareen damqasho leh ka muujisay xaaladadooda iyo daryeel la,aanta haysata,

Marwo Aamina oo xaalada ay ka sugan yihiin caruurta darbi jiifka ah ee wajaale ayaa qoraal ay arintaasi kaga hadlayso Wuxu Udhignaa Sidan;

BAAQ BILA AADANIMO MID XUKUUMADEEDBA.

Waxa Warwar wayn Igu Haya oo Anaan Ka Jiibsan Jarin Caruurta Darbi jiifka ah ee Da’doodu kayar tahay 13 Sanno Waxay ku Noolyihiin Maagalo Xudeedka Tog Wajaale Garan Maayo Hooyooyinkii Casrigan waxa ku dhacay Eey Caruurtooda Usoo Raadin Waayeen,

Kuwa Aan Waalid Haysan Mooyee,

Markaan Waraystay Qaarbaa Sannado joogay oo silicaa ku Noolaa.

Waqtigani waa Xiliga ugu Qaboow ee Jilaalka waliba Meelahan Dameerahu ku dhintaan Ayay kamid tahay wajaale.

Waxay Huwadaan Bacaha Sonkorta Waliba Qaarkood Maba Haystaan.

Waxay gogladaan Kartoono Dadku way Arkayaan Waanay dhaafayaan!

Hurdo ula’ Habeenoo dhan way wareegaan si waagu hore ugu baryo waayo ma seexan karayaan.

Maalintii waxay Xaabaan Hanbooyinka,Cuntada dadka kasoo hadha,

Sabanadan Danbe Naxariistii way yaraatay waxay ubaahan yihiin Qaylo dhaan Laysku qayshado inta dadkoodii la gaadhsiinkaro inta kalana Meel ay Galaan loo helayo.

Wasaarada Arimaha Bulsha waxan ugu baaqi lahaa in Magaalada laga furo goob Caruurta dayacan lagu Xafido.

Ilaahay Ummadiisa wuu isku eegayaa Cidna waxba uma waayin Habeenka aan ka duubay Girgiraha Dabkaa waxa Alakhayr hasiiyee an uga qaadnay Hudheel Magaalada ku yaal.

Waxa hoy u ahayd Masaajid Baran dihiisa oo waliba Rag Waawayn oo Aan Xiskoodu Dhamayni Jiifaan.

Intan Ihor joogta oo Tiradoodu 8 ahayd waxa lay sheegay in 10 laabkood iyo inka badaniba ay Gidaarada jiifaan.

Gaalada aynu unaqaano in la Cadaabayo intaa aynu inaga dhaafayno Madhaafayaan Caruurta 18 Sanno ka yari inay Dayacmaan iyo inay dhibaato gaadho uma ogolaadaan inaga maxaa inagu dhacay.Ayay marwo Aamina hadalkeeda kusoo koobtay.

Magaalo xuduudeedka tog wajaale ayaa kamid ah meelaha wakhtiga jiilaalka ugu dhaxanta badan deegaanada Somaliland taasi oo xataa kuwa hoyga haystaa ay ku adag tahay wakhtigan in ay ku noolaadaan wajaale halka caruurta aan hoy iyo waalidka haysanina ay la ildaran yihiin dayac iyo qabowga ka dhacaya oo jiif joogba udiiday

Majirto maamul ,ganacsato iyo cid masuuliyad iska saartaa waxayna ku dhex dayac yihiin dalkoodii iyo dadkoodii oo dareenka bili aadminimadu gabi ahaanba ka aradan.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

 

 

COMMENTS
LINKS