|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo La Kulmay Kooxda Kubbadda Cagta Ee SINDO UNITED
December 24, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (WJN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa, isaga oo kooxda ka socota dalka Kenya-na ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland ku sugnayd kulamo ciyaareed la qaadatay kooxo dhiggooda ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxana ay maantaba ku laabteen dalkoodii Hooyo.
Related posts:Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Markii u horaysay ka hadlay Ujeedada Shir Duceed Hargeysa Ku Dhex Mara... DAAWO; Shaqaalihii Uu Dhawaan Wasiirka Beeruhu Shaqada ka Caydhiyay oo Eedo Culus Usoo Jeediyay... Gudoomiyaha Hay'adda Ka Hortaga Aafooyinka Oo Kulan La Qaatay Hayd'addaha Maxaliga Ah Ee ka Hawlgal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|