Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Guddidii Komishanka Doorashooyinka Ee Lagu Muransanaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Guddidii Komishanka Doorashooyinka Ee Lagu Muransanaa
December 24, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan.

Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

COMMENTS
LINKS