Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Gobolka Salel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Gobolka Salel.
December 28, 2019 - Written by Editor:

Saylac(W,N) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  iyo wafti uu hogaaminayao ayaa gaadhey magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira Safarkii Kormeerka Mashaariicda Maamul daa-dejinta ee JPLG oo galay wajigii saddexaad ayaa markii uu gaadhey  Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel halkaasi waxa lagu qaabilay  waftiga Madaxweyne ku xigeenka soo dhoweyn balaadhan oo uu kala kulmay bulshada gobolka Selel , gaar ahaana magaaladda Saylac.

Waftiga ayaa maray Deeganaada Qolujeed, Boon, Xariirad, Jidhi, Ceelgaal, Caasha caddo iyo Toqoshi oo uu waftiga Madaxweyne ku xigeenku mareen ayaa lagu soo dhaweeyey sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeeray mashaariic horumarineed oo laga fuliyey deegamadaasi xadhigana ka jaray dhismayaal cusub sidoo kalena uu dhagax dhigay kuwo kale.

Ugu danbayntiina Waftiga Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salel, halkaasi uu madaxweyne ku xigeenku kulan kula qaadan doono masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku mudada uu joogo uu u kuurgeli doonaa xaalada guud ee gobolkaasi.

https://youtu.be/COslmBtVapk

COMMENTS
LINKS