“Ma Jirto Cid Awood U leh Inay Is-hortaagi Karo Heshiiskan, Marka Uu Daacad Ka Yahay, Ee Ay Ka Go’an Tahay Madaxwaynaha JSl”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Jirto Cid Awood U leh Inay Is-hortaagi Karo Heshiiskan, Marka Uu Daacad Ka Yahay, Ee Ay Ka Go’an Tahay Madaxwaynaha JSl”Cali Guray.
December 18, 2019 - Written by Editor:

“Doorasho Waa Xal Doorasho La’Aanina Waa Xal La’Aan”! Siyaasi Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Oo kamid siyaasi reer somaliland ee sida cad uga hadlay xaalada dalka iyo muranada siyaasadeed  ayaa ka hadlay qodoba ay khilaafka doorashooyinka Somaliland iyo muranka komishanka kasoo saareen gudida dhex dhexaadinta xukuumada iyo xisbiyadu isagoo sheegay in ay yihiin qodobo xal unoqonaya khilaafka islamarkaana suurto galin kara in doorasho somaliland ka dhacdo mustaqbalka dhow.

Sidoo kale Siyaasi cali guray ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskani uu fulayo hadii madaxwaynuhu daacad ka yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo

Dhanka kale Cali Guray ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xildhibaanada golayaasha wakiilada iyo guurtida ee iyagu ka hadlay qodobadan keenay in ay ku heshiiyaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray oo soo gaadhay xafiiska Warqabada ee Shabakada Wararka Ee Wajaalenews Wuxuna Dhignaa Sidan;

“Doorasho Waa Xal Doorasho La’Aanina Waa Xal La’Aan”!

“Horta sadexda qodob ee ay ku talisay ergada dhexdhexaadintu ee xisbiyada iyo xukuumadduna ay la qaateen waa sadexda qodob ee khilaafku ka taagnaa in doorashadu ay qabsoomi kartana caqaladda ku ahaa Hadaba. sadexda qodob, marka danta Somaliland laga talinayo kuma jiro qodob keliya  oo Aan sharciga la waafajin karatni

Qodobka ugu horeeyaa waa kala dirista Komishanka, kuwa leh madaxwaynuhu ma kala diri karo sharciga ayaanay aqoon u lahayn baa la odhan karaa,, waayo xeerka ayay ku caddahay in hadii Komishanku gudan waayo ama aanu gudan karin waajibkiisa, sabab kasta ha ku dhacdo eh, uu Madaxwaynuhu awood u leeyahay kala diristooda.

Tan komishanka cusub lafteeda mar haddii dhinacyadii markii hore soo magacaabay ay isla qaateen intoodii kale, labada xubnood ee guurtuna markay ay dhinca danta ummadda wax ka eegayaan waxay la mid noqon karaan xubnaha kale. Si sharciga loo waafajiyo soo celinta Komishankii hore waxay u baahan yihiin in Wakiiladu ay ansixiyaan dibna loo dhaariyo.

Qodobka sadexaad waa muddo kordhintii  guurtidu samaysay iyagoon dhinacyadii ay khusaynaysay  kala tashanin, ee taladii xisbiyada iyo komishankuba ka maqan tahay. Talada ergadu waa sixitaan uun haddii Eegadu ay tidhi sadexda xisbi iyo komishanku ha isla eegaan, taasoo ah in ay isla qodobeeyaan hawlaha doorashada iyo muddada lagu qaban karo, ugu dambaystana waxay ku soo baxaysaa Khariidadda Tubta Doorashada (Election Road Map) ilaa taariikhda maalinta codbixinta.

Sidaa marka tahay sadexdan qodob ee la isla qaatay khilaafkii jiray xal bay u yihiin carqaladi hor taagnayd doorashadana way ka hor qaadayaan oo lama odhan karo hadda iyo wixii ka dambeeya doorasho ma qabsoomi karto ee waa la hubaa in doorashadii Golayaasha Degaanada iyo markii ugu horeysay doorashada wakiilada oo muddo ka badan toban sanadood ay xildhibaanadu ku fadhiyeen muddo kordhin ka baxsanan muddo xileedkoodii sharciga ahaa oo dhamayd shan sanadood.

Dhinaca kale tan iyo 2010kii Somaliland dagaalka Doorasho-doonka iyo Doorasho-diidku wuxu ahaa joogto hase yeeshii mar kasta waxa gacanta sare yeelatay Doorasho-diidka oo adeegsan jiray awoodda dawladda, fulin iyo sharci dejinba, Tii maanta waxad mooddaa inay iska soo xidhay oo aanay u suurogeli karin waayo waxay gaadhay oo doorashadani ugu fadhidaa maaha wax ka yar badbaado qaran. Haddii sadexdan qodob ay sidaa ku meelmaraan waxay noqon kartaa guushii ugu horeysay ee doorasho-doonka oo marka koobaad ah shacbiga Somaliland, Marka xigana muwaadiniinta quuddaraynayay inay u tartamaan Aqalka Wakiilada ee sugayay fursad, lakiin aan helin ee sugayay in ka badan toban sanadood..

Hadaba, heshiiskii laga gaadhay khilaafkii doorashada cid kaleba ha ka hadasho eh xildhibaanada baarlamanka, labadiisa aqalba Ceeb bay ku tahay inay ka hor yimaadaan iyaga oo og in muddo Dheer oo Aanay Xaq u lahayn ay kuraasida iskaga sii fadhiyaan ka dib dhamaadkii muddo xileedkooda sharciga ahaa.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh Ma jirto cid awood u leh inay is-hortaagi karo heshiiskan u suurogelinaya Somaliland in doorasho ay ka qasoomi karto hadii Alleh yidhaa mustaqbalka dhaw, Laakiin waa marka uu daacad ka yahay ee ay ka go’an tahay Madaxwaynaha JSl in doorasho xor iyo xalaal ahi ay dalka ka qabsoonto.

Wa Billahi Tawfiiq

Siyaasi Cali Gurey

 

 

COMMENTS
LINKS