Google Iyo Apple Oo Hawada Ka Saaray Barta ToTok Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Google Iyo Apple Oo Hawada Ka Saaray Barta ToTok Iyo Sobobta!
December 25, 2019 - Written by Editor:

Ha ku khaldin wuu ka duwan yahay barnaamijka Shiinaha ah ee TikTok la yidhaa, ToTok wuxuu isku suuq geeyaa in uu yahay baraamij si sahal ah loo adeegsan karo oo aan xogtaada lagala bixi karin marka fariimaha qoraalka ah ama kuwa muuqaalka ah la isku waydaarsanayo.

Hase yeeshee wargeyska The New York Times ayaa tebiyey war tibaaxaya eedo barnaamijkaa WhatsApp-ka aad moodo in uu yahay wax dawladda Imaaraat-ka Carabtu wax ku basaasto.

ToTok waxaa dadka adeegsada ay u sheegtay in dhawaan lagu soo celin doono barnaamijkaa bogagga Google iyo Apple.

Qaraal internet-ka ay ku baahisay ayay ku sheegtay in “muddo gaaban aan laga helayn” barnaamijyada App-ka lga soo degsado ee Apple App Store iyo Google Play Store, sababtuna tahay “cillad farsamo”.

Wargeyska The New York Times isaga oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah ayuu sheegay in ToTok u sahlo basaasiinta Imaaraad-ka in ay helaan wadahadallada, dhaqdhaqaaqa iyo xogta kale ee shakhsiga ah sida sawirrada oo kale ee dadka.

Shirkadda Google waxay barnaamijkaa boggeeda ka saartay Khamiistii hore, Apple-na maalintii ku xigtay. Hase ahaatee dadkii ToTok adeegsan jiray weli barnaamijkaasi, wuu ugu shaqaynayaa telefoonadooda oo wayna adeegsan karayaan.

Malaayiin qof oo adeegsada

ToTok dhawr bilood uun buu jiray laakiin waxa la degay dad badan oo ku nool Bariga Dhexe, Europe, Aasiya, Afrika iyo Woqooyiga Ameerika, sidaana waxa sheegay wargeyska The New York Times.

Google Play Store wuxu muujinayey in shan bilyan oo qof oo isticmaala telefoonnada Android ku shaqeeyaa ay la degeen, halka, haweenay Annie lagu magacaabo oo dadka barnaamijyada noocaas ah darsaa ah sheegtay, in kuwii ugu badnaa ee dadka Maryakanka ku nooli ToTok la degeen todobaadkii hore.

Wargeyska The New York Times wuxuu ku warramay in shirkadda barnaamijkaa samaysay ee la yidhaa Breej Holding Ltd, ay xidhiidh la leedahay shirkadda DarkMatter oo ah shirkad fadhigeedu yahay Abu Dhabi oo ka shaqaysa arrimaha basaasidda internet-ka oo sida la sheegay FBI-da Maraykanku baadhitaano falal dambiyeed xagga internet-ka ah ku hayso.

Sida uu ku warramay wargeyska The New York Times, DarkMatter waxa uu shaqeeya saraakiil mukhaabaraadka Imiraad-ka ka tirsan, saraakiil hore oo nabad sugidda Maraykana u shaqayn jjiray iyo sarakiil sirdoonka milatariga Israa’iil ka tirsanaan jiray.

ToTok, DarkMatter iyo Safaaradda Imaaraad-ka ee London midkooda noogama soo jawaabin codsi ahaa in ay aan su’aalo ka waydiino.

“In kasta oo dadkii Isticmaalayey ToTok ay sidoodii u heli karaan adeegayaga waxaanu hadana jecelnahay in aad dadka ku cusub u sheegno in aanu la xidhiidhi doono Google iyo Apple si arrinta wax looga qabto” ayaa qoraal ay baahisay ToTok lagu yidhi.

Waxay farta ku fiiqday in dadka ku cusub ee isticmaala tilifoonada Samsung, Huawei, Xiaomi iyo Oppo ay kala degi karaan ToTok bogagga shirkadaha tilifoonadooda sameeyey.

Shirkaddu waxay ballan qaaday in ay “mustaqbalka dhaw” ku soo noqon doonto bogaggaa isadoo soo kordhin doonta qaabab cusub oo ay ka mid yihiin sida lacagta loo bixin karo, wararka, ganacsiga iyo madadaalada.

Shirkadaha kale ee bixiya adeegyada fariimaha sida WhatsApp iyo Skype oo fariimahooda aan la furan karin ayaa Imaaraad-ku xadiday adeegyadooda, oo fariimo qoraala oo keli ah uun baa loo adeegsan karaa laakiin maqal iyo muuqaal toona looma adeegsan karo.

Qoraalka aqbalaadda adeegsiga ToTok waxa ku jira “in ay dadka xogtooda shakhsiga ah shiraddu u gudbin karto booliska, saraakiisha iyo wakaaladaha la socodka internet-ka ama cidii kale ee sifo sharci ah kaga codsata”.

Waxa sidoo kale uu dhigayaa: “waxaa suurto gal ah in aan xogtaada shakhsiga ah shirkado door ah u gudbino”.

Lakiin si cad qoraalku uma magac dhabayo dawladda Imaaraad-ka Carabta.

App uu qof seddaxaad xogtiisa heli karo

Shirkadda Objective-See ee ka shaqaysa ilaalinta macluumaadka kombuyuutarrada ayaa sheegtay in ay kala shaqaysay wargeyska The New York Times baadhitaankaa uu sameeyey.

Qoraal shirkaddu baahisay ayey ku faahfaahisay in ay daristay barnaamijka ToTok ee ku jiray iOS oo ay u adeegsatay tilifoon iPhone ah oo “aan la xadidi karin” taas oo macnaheedu yahay in telefoonkaasi barnaamijka uu ku shaqeeyo loo sahlay in aanay xayiri karin barnaamijyada shirkadaha sameeya telefoonadu.

Waxay khubaradoodii jabsadeen barnaamijka ToTok iyo habka barnaamijku “fariimuhu u dhexmaraan”.

Khubradu waxay sheegeen in sharciyadda barnaamijku ay “run ahaantii tahay mid si xariifnimo ah loogu dhisay inuu dadka basaaso”.

Waxay sidoo kale farta ku fiiqeen in aanay ka helin BACKDOORS, MALWERE iyo barnaamijyo kale oo wax lagu basaas karo.Google iyo Apple ayaa bogaggooda ka saaray barnaamij fariimahala iskugu diro oo Imaaraat-ka laga leeyahay oo la yidhaa To Tok, iyada oo ay soo baxday hadal hayn ah in loo adeegsado in dawladdu wax ku basaasto.

 

COMMENTS
LINKS