Golaha Iskaashiga Umada Soomaaliyeed Ee Geeska Afrika Oo Lagaga Dhawaaqay Shirkii Ka Dhacay Jabuuti Iyo Xogaha Ku Lamaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Iskaashiga Umada Soomaaliyeed Ee Geeska Afrika Oo Lagaga Dhawaaqay Shirkii Ka Dhacay Jabuuti Iyo Xogaha Ku Lamaan!
December 22, 2019 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Dhawaan Ayay Ahayd Markii Dalka Jabuuti Lagu Qabtay Shir Ay Iskugu Yimaadeen Waxgarad Iyo Aqoonyahanka Kala Socday Wadamada Geeska Africa Ee ay Somalidu Degto kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Maxadka HERITAGE oo ay gadhwadeen ka yihiin xubno koonfurta somaliya kasoo jeeda.

Shirkan oo door wayn ay ku leedahay dawlada jabuuti ayaa lagaga dhawaaqay golaha iskaashiga Umada soomaaliyeed ee geeska Africa kaasi oo dareeno kala duwan Abuuray,

Golaha Magaalada Djibouti Ee lagaga dhawaaqay golaha iskaashiga umada soomaaliyeed ee geeska afrika, ayaa umuuqda mid  badali doona Riyadii dhimatay ee Soomaali-wayn. Taasi oo hore ay ugu hungowday Somaliland, halka somalidii kale ee jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ay midwaliba halkeeda ku danaysatay.

Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray khariirad muujinaysa ujeedada golaha iskaashiga iyo danaha kala qaybineed ee laga leeyahay.

Xogaha laga helayo shirkan lagu qabta jabuuti iyo cida bixisay dhaqaalaha ku baxay ayaa lagu  sheegay in dawlada Turkigu qayb wayn ku leedahay, taasi oo wali iyadu raadinaysa Midnimadii soomaliya iyo riyo Hore u fashilantay, wallow xubnaha reer Somaliland ee ka qaybgalay ay doodoodu ahayd rabitaanka Somaliland Madaxbanaan Oo Kamid ah Wadamada Qaarada Africa,Siiba geeska Africa sida ku cad khariiradan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS