|
|||||
WAJAALE NEWS
Garyaqaan Lafogur Ku Sameeyay Sharcinimada Adeegyada Lacagta Mobilka Iyo Hadalkii Gudoomiyaha Baanka Jsl.
December 27, 2019 - Written by Editor:Sharcinimada Adeegyada Lacagta Hawada Bixiya
Mawduucan waxaan si gaaban ugu lafa guraynaa inuu ka jawaabo Qodobadan sare ku xusan anigoo ku koobnaan doona marka hore dhinaca sharciga oo kaliya, Sidaynu ka warqabno waxa maalintii shalay 25/12/2019 uu gudoomiyaha bangigu ku dhawaaqay in shaqaalaha dawalda oo mushaharkooda lagu siin doono adeegyadan waxaanan jeclaystay aqoontayda yar ee gaaban in madaama uu waajib iga saran yahay muwaadin ahaan in aan ku lafa guro afarta qodob ee sare ku xusan iyo talaabdan cusub ee uu qaadayo bangiga dhexe ee uu ku damacsan yahay in uu adeega mobilka lacagta shaqalaha ku bixiyo sida sharciga iyo xeerarka dalka u waafaqsanaanayo, Aniga oo sharci ahaan ka Eegidoona adeegyadan Lacagta Ee Zaad iyo E-Dahab Sharci ahaan xeerka dalka Somaliland ma u aqoonsanayahay lacag mise uma aqoonsana, Lacag sharciga Somaliland waxa uu ku qeexay inay tahay lacagta waraaqaha iyo qadaadiicda ee astaamaheedana uu xeerka ku sheegay, waxaana loo aqoonsaday inay ka dhex shaqaynayso gudaha Somaliland,ee aanay dalka ka baxayn, adeegyadan cusub ee lacagta layskugu diraana waxay ka shaqeeyaan ilaa dalalka dibada ee ay xamar ka mid tahay , su,aasha muhiimka ahi waxay tahay lacagteena Somaliland xamar ma gaadhaa ? yaase adeegyadan u aqoonsaday lacag? ma sharciga somaliland mise shirkadaha samaytay, Markii ugu horaysay ee adeegan lacagta hawada ahi waxa uu dalka soo galay sandkii 2009 wakhtigaas oo ay bilawday shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waxaana xusid mudan in aanay bulshada Somaliland iyo guud ahaan xukuumadii wakhtigaas aanay fahan buuxa ka haysan sida ay u shaqaynayso ,waxaanay ku bilaabmatay lacagta adag ee dollarka , mudo ka dibna waxa Iyana adeega Lacagta Mobilka samaysantay shirkada Somtel oo la magac baxday E-Dahab, waxaana xusid mudan inaanay cidi waxba ku xidhin sharcina u eegen ee ay ka faa,iideysteen tamarta iyo fahanka dawlada talada haysay . ilaa iminkana in cidkastaa ay adeegyadan lacagta hawada ah lagu samaysto ay abuuraan wax u diidayaa ma jiro madama xeerka dalku xakamayn waayey kuwa ka horeeyey ee sifaha aan sharciga ahayn lacag u samaystay . Hadaba Adeegyadan Zaad Iyo E-Dahab Sharci ahaan adeegyadoodan sifaha ay qaranka ugu duwaan gashan yihiin muxuu noqonayaa Shaqsiyadooda Qaanuuneed (Legal Intity) , shirkadahan waxay u duwaan gashan yihiin shirkado is gaadhsiineed oo la yidhaahdo Telesom Iyo Somtel waxaana lagu dhaqaa Xeerka isgaadhsiinta Somaliland Xeer Lr. Hadaba shirkadahan is gaadhsiineed ayaa waxay dhexdooda ka abuureen adeegyo bangiyo oo ka baxsan shaqada ay qaranka uga haystaa ruqsada oo ah adeega isgaadhsiinta ,waxaanay bixiyaan adeegyadan lacagta lagu kaysanayo laguna xawilayo oo la yidhaadho Zaad iyo E-Dahab adeegyadan lacagta lagu kaydasado waxa uu ka soo hor jeedaa nidaamka Sharci Ee bangiyada Somaliland mana ah bangiyo ku duwaan gashan inay bixiyaan adeegyada bangiyada ee uu tilmaamay xeerka bangiyada Somaliland, aqoon buuxdana aan u lehayn nidaamka bangiyada sababtoo ah waxaa taas muujinaya in xeerkaba aanay ogayn inuu u ogolaanayo in lacagtan hawada ay sameystaan iyo in shirkad iyo qof caadi ahi uu lacag samayto inay xaaran ka tahay xeerka bangiayda somaliiland Xeerka Bangiyada Somaliland Xeer Lr,54/2012 uma yaqaano lacag adeegyada Zaad iyo E-Dahab waxaana si cad u tilmaamaya halbeega lacagta Somaliland ee uu aqoonsanyahay sharcigu Qodobka.32aad Xeer Lr.12/2012 Xeer Baanka Dhexe S/L Qodobka.32aad Xeer Lr.54/2012 Halbeega Lacagta Somaliland Lacagta dalka Somaliland waa lacagta waraaqaha iyo Qadaadiicda ah lacagtaas oo astaanteedu tahay ‘SL SH’ Lacagtan waxa kaliya oo xaq u leh daabacadeeda iyo fidinteeda bangiga dhexe ee Somaliland waxaana awoodan buuxda u siiyey Qodobka.33aad Ee Xeer Lr.54/2012 Xeerka Banigaga dhexe ee Somaliland mana jirto cid la wadaagta shacab iyo shirkado iyo haayado kale oo qaran oo lacag samaysan kara sida uu dhigayo qodobkan sharci oo dhigan sidatan .
Qodobka.33,aad Soo Saaridsta Lacagta Waraaqaha Ah Iyo Qadaadiicda.
Waxa kale oo Xusid Mudan in lacagta Somaliland shilingka ah marka uu bangiga Somaliland u baahdo in la soo daabaco ay marto nidaam dawliya oo ilaa golyaasha baarlamaku u ansixiyaan lacagta dalku u baahan yahay, balse waxaa ceeba ah sharcigana baal marsan in lacag lagu sheego adeegyadan shirkadaha gaarka ah gacanta ugu jira ee habeenba intay doonaan ay kordhisankaraan, iyagu ay isku hayaan samaynta lacagahan (digital money ) waxaana si cad u mamnuucay in qof ama shirkad ganacsi ay samayso ama gacanta ku haysto aalad lagu samaynkaro lacag waxa xaarantimeeyey qodobkan sharci Qodobka.55aad Xeer Lr.54/2012 Qodobka.55aad farqadiisa (X) Aaladaha Ama Alaabta lacagta sameeya
Qodobkan sare ku xusan waxa uu muujinaysaa inay mamnuuc tahay in qof gaar ahi uu lacag samaysto ama uu sameeyo wax u dhigma qiime lacageed , qofka ama shirkada sameeyaana waxa uu la mid yahay sidii qof sameeyey lacag foojari ah Sidaas darteed waxaan halkan ugu soo jeedinayaa sidatan :
Lasoco Qaybtiisa kale Xaqsoore Waa Alle Garyaqaan : Yuusuf Biixi Muxumed COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|