Dhacdo Murugo leh Oo Shacabka Somaliland Amakaag Iyo Fajiciso Ku Noqotey Muuqaalka Hooyo Ciidanku Booliska Wajaale Garaacayaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Murugo leh Oo Shacabka Somaliland Amakaag Iyo Fajiciso Ku Noqotey Muuqaalka Hooyo Ciidanku Booliska Wajaale Garaacayaan.
December 21, 2019 - Written by Editor:

Sababta Loo Garaacayo Hooyo Ka Murugaysan Wiilkeeda Oo Maydkiisa la helay Afar Cisho kadib Iyo Qiso Xanuun Baddan Oo Ka Dhacday Magaalada Tog Wajaale Warbixin:

TOG WAJAALE(W,N)-Qiso Xanuun Baddan:-Dadka Inta ugu Baddan ee Baraha Bulshada Isticmaala Waxa ay Shaley Siweyn isu Weydiiyeen Haweenay Ciidamada Booliska Tog-Wajaale Garaacayaan iyagoo Tirra badan Taas, oo aan Nooceeda hore looga Arag Somaliland si (Caddaan), ah

Haddaba Hadaan idinla Waddaago Dhacdadaasi Iyo halka ay Sabab ku laheyd, Habeenimadii Sabtidii Toddobaadkii hore 14/12/2019ka Waxa ay Ciidamada Booliska Tog-Wajaale Xabad ku Rideen Sadex Qof oo Soomaali ah iyo Laba Qof oo qawmiyadda oromada ah oo Wada Saaran Gaadiidka Bajaajta loo Yaqaan Xabadaasi Waxa ay ku Dhacdey Mid kamid ah Dhalinyaradii Reer Tog-Wajaale Marxuum Caydaruus Markii intaasi dhacdey Wey kala firxadeen Kadibna Waxa uu Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir oo Xabaddu ku Dhacdey naf Xarbigii ula Cararey Beer aan La goyinin oo uu ku Dhex dhacay kadibna ku Dhiig-baxey halka Intii kalena Dhinaca Galbeed u Baxsadeen.

Intaa kadib Waxa halkaa ku Geeriyooday Marxuumka Xabaddu ku Dhacdey oo Da,diisu tahey 20 jir Waxaanu Beertaa dhexyaaley isagoo meyd ah Wakhti aan ka Yareyn shan Caana-maal iyaddoo intii ka Dambeysay habeenka dhacdadaasi dhacdey, Marxuumkaa hooyadii Baadigoob u Gashey halka uu Ku Sugan yahey, Kadib Markii uu u Sheegay Yarkii Bajaajta Watey in ‘Lawada eryadey’ islamarkaana uu u malaynayo, in ‘la Taxaabay’ Markii ay Hooyadaasi intaa maqashey Baadidoon dheer ayay gashey Saldhig Walba Wey tagtey, Meel Walba Wey martey Socod Lug ah iyo Mid Gaadiidba! Waxaanay Gaadhey ilaa tuulada Magaalada-Cad oo Galbeed ka Xigta Tog-Wajaale.

Ugu Dambeyntiina Waxa ay hooyadaasi Weydiisay yarkii halkii lagu helay Markii ugu Wardambeysay,kadibna Waxa ay lugteedda ku tagtey isla goobtii oo aheyd halkii Wiilkeeda Xabaddu kaga dhacdey, ‘ Waa Arin Xanuun Baddan oo Murugo iyo Caloolyow leh Hooyada oo Baadigoobaysa Beerkeedii iyo Waxa ay halkaa kala kulantey Maxaa Dhacey?.

18/12/2009 Maalintii Arbacadii Ayey ku jarmaadey Hooyadda Wiilkaa Marxuumka ah dhashey Halkaasi oo u dhaw Beertii Meydka inankeeda Yaaley, Waxaana Abaaro 8dii Subaxnimo u Sheegay hooyadaasi Wiil Lo, eegaya in Qof Meyd ah y oo aad u Da,yari dhexyaalo Beertaasi Islamarkaana, uu Waraabe Cunay Markiiba Waxa ay aragtey Maryihii uu Xidhnaa oo ay Sitoos ah u garatey in uu Xidhnaa Markii u Dambeysay, Waxaanay halkii Qabsatey Baroor ay Markiiba La suuxdey oo iyadda lafteedii laga waayay Naf iyo Naqasba.

Kadib Markii lasoo ururiyay Qeybaha ka hadhey Hambadii Waraabaha ee Meydka Marxuumkaasi Waxa dhacey in ay Gadood iyo Qeylo dhaan ku Dhufteen Haweenkii Xigtada Hooyadaasi oo Ka Argagaxey Waxa dhacey iyo sida ay Xogogaalka ugu ahaayeen Baadigoobka Hooyadaasi ugu jirtey ilmaheeda.

Haddaba Hooyada ay Ciidamada bookisku ku Garaacayeen magaalada Tog-Wajaale Waxa ay kamid aheyd Haweenkii xigtada u ahaa Hooyadaa ilmaheeda La toogtey haddana Meydkiisii la qariyay ee Waraabuhu Cunay.

Inaalilaahi Wa Inaa ileyhu Raajicuun.

NP:-(Fiiro-gaar ah)

Ciidamada Booliska Tog-Wajaale Waxey habeenkii Baacsadaan Tahriibayaasha Oromada kuwaas oo ay awal hore Ciidamada Socdaalku kali ku ahaayeen, Waxaanay uga barteen dhadhamo, halka Marxuumka iyo Kooxdan Bajaajta Saarnaa iyaguna ka shaqeynayeen Ciidamadu may Gudan Waajibkaasi Kadib Markii ay dhugteen in Xabadoodii qof ku Dhacdey Waxey Doorbideen in ay iska aamusaan oo iska laabtaan.

HALKAN KA EEG SIDA HOOYADAN CIIDAMADU UGARAACAYAAN;


WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS