DAAWO;-Warbixin Xasaasiya Oo Laga Diyaariyay Isku Milanka Al Shabaab Iyo Haayada Nabad Sugida Ee Nisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Warbixin Xasaasiya Oo Laga Diyaariyay Isku Milanka Al Shabaab Iyo Haayada Nabad Sugida Ee Nisa!
December 31, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Tan Iyo Madaxwayne farmaajo la wareegay Talada Dawlada somaliya ee aan gacanta kuwada maamulka Magaalada muqdisho, oo marka horeba la daalaa dhacaysay khalalaasaha siyaasadeed iyo qaraxyada joogtada ee shacabka Muqdisho ay ku hayaan kooxaha Argagixisada ah ee Al shabaab ayaa waxay wakhti xileedka Madaxwayne farmaajo la kowsatay caqabado kale oo horleh kuwaasi oo keenay dareeno shaki leh oo la xidhiidh saamaynta isku Milanka Haayadaha Dawlada iyo Ururka Al Shabaab taasi oo marba marka ka danbaysa soo if baxayeen Xogaha daboolka ka qaadaya Isku milan xoogan ee  haayada nabad sugida somaliya ee Nisa iyo Ururka Al shabaab.

Warbixin Hordhaca Oo Xasaasiya ayaa laga Diyaariyay isku Milanka Nisa iyo Alshabaab kaasi oo lagu eedeeyay in uu Hormuud ka yahay Taliyaha Haayada nabad sugida ee Nisa Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo in uu yahay masuul wakhtigan ugu awooda badan maamulka madaxwayne farmaajo oo isagu ah wakiilka dalka qatar ujooga somaliya islamarkaana qayb wayn ka ah Daganaasho La,aanta Somaliya

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA EE ISKU MILANKA URURKA ALSHABAAB IYO HAAYADA NISA;

 

COMMENTS
LINKS