Daawo: Ugaaska Guud Ee Gobolka Hiiraan oo Qaabilay Wafitigii Ka Socday Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Ugaaska Guud Ee Gobolka Hiiraan oo Qaabilay Wafitigii Ka Socday Somaliland
December 24, 2019 - Written by Editor:

Beledweyne (WJN)- Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaaliya ayaa maanta munaasabad qado sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay magaalada Beledweye Guddiga Gurmadka Somaliland ee Fatahaadda oo maalintii shalay magaalada soo gaadhay.

Ugaas Xassan ayaa sheegay in guddiga ku soo dhaweynayaan magaalada isaga oo uga mahad celiyay jawaabta ay ka bixiyeen ka qeybqaadayasha Gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta weyn ku yeesheen Daadadkii dhawaan ku ku fatahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Somaliland Jamaal Ceydiid Xassan ahan guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ugaas Xassan kulanka qado sharafta ah ee uu u sameeyay, isaga oo sheegay in tallaabada ay qaadeen aheyd mid waajib ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

COMMENTS
LINKS