Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay Weerarkii Caawa Lagu Qaaday Huteelka SYL Ee Magaalada Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay Weerarkii Caawa Lagu Qaaday Huteelka SYL Ee Magaalada Muqdisho.
December 10, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)- Weeraro iskugu jira qarax iyo kooxo hubaysan oo dagaalamaya ayaa caawa fiidkii lagu qaaday Huteelka SYL Ee magaalada muqdisho kaasi oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba sobobay.

Sidoo kale wararka laga helayo weerarkan ayaa sheegaya in kooxaha hubaysani mudo ka dagaalamayeen gudaha huteelka

Dhanka kale Xarakada Alshabaab ayaa sheegaytay in ay weerarkan fuliyeen iyagu kaasi oo Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan oo xoog ku gal ah ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dabley ka tirsan Al-Shabaab galeen gudaha Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loogu talagalay isla markaasna ay hadda ciidamadeeda howlgal ka wadaan gudaha Hotel SYL.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo weerarkaas ayaa sheegayo in weli la maqlayo rasaas ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa weerarka soo qaaday inkastoo ciidamada Ammaanka ay sheegeen inay toogteen laba kamid dableyda Al-Shabaab.

Hotel SYL ayaa waxaa ka socotay xaflad lagu soo bandhigay Buug, waxaana lasoo sheegayaa in dad badan ay Hotel joogeen marka uu weerarka dhacayey.

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kasoo galeen dhanka Koontaroolka Ceel Gaabta oo laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Majiro wali war rasmi ah oo kasoo baxay khasaaraha uu sobobay weerarkani

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS