|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Sharraxday Asbaabaha Loo Xidhay Xarunta HCTV.
November 19, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W.N)-War Ka soo baxay maanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in loo xidhay Isniintii Telefishanka HCTV, kadib markii uu baahiyey Warar aan run aheyn, isla markaana ay ku xadgudbeen Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer No. 27/2004. Warka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafintu, waxaa lagu iftiimiyey in HCTV uu faafiyey warar aan xaqiiqo aheyn oo dhinac ka raran, oo ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda Somaliland ee XEER No. 27/2004 iyo heshiiskii is-fahamka ahaa ay dhawaan wadajir u kala saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka Wakiil ah Xukuumadda JSL iyo Telefishannada madaxa-bannaan ee dalka oo isku raacay in warbaahinta ay dheelitiraan wararka ay ka baahinayaan dalka, lagana waantoobo faafinta wararka aan jirin. Waxa kaloo, Masuuliyiinta Warfaafintu ay caddeeyeen in HCTV ku xadgudbay Qodobbada 13-aad iyo 19-aad ee Xeerka Saxaafadda oo ka hadlaya Raadinta Xaqiiqda wararka iyo dheelitirkooda. Sidaas darteed, Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u xaqiijisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, in aanay jirin sababo kale oo loo xidhay Tifaftiraha iyo Xarunta dhexe ee Telefishanka HCTV, hase ahaatee loo xidhay markii ay u hoggaansami waayeen xeerkii Saxaafadda iyo is-afgaradkii ay wax ka saxeexeen. XIGASHO; WAKAALADA WARARKA EE SOLNA WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Daawo:Ururka Suxufiyinta Solja Oo Ka Hadashay Hadal Shalay Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somal... Wasiirka Hawlaha Guud Jsl Oo Joojiyay Dhismayaasha Iyo Waxka Badelka Hantida Dawlada Ee La Bixiyay W... Somaliya Oo Markii u Horaysay Ka Hadashay Aqoonsi Buuxa Oo Ay Siiso Somaliland Iyo Mawqifkeeda In Be... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|