“Xukuumada Madaxdii Xisbiyada Af-Duubatay Ee Iyagoon Maxkamadi Xukumin Xabsigii Mandheera U Dirtay, Ee Aan Sharciga Iyo Dookheeda Kala Aqoon Ayaan Doorasho…”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumada Madaxdii Xisbiyada Af-Duubatay Ee Iyagoon Maxkamadi Xukumin Xabsigii Mandheera U Dirtay, Ee Aan Sharciga Iyo Dookheeda Kala Aqoon Ayaan Doorasho…”Abwaan Weedhsame.
November 24, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Abwan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo kamid ah hal abuurka reer Somaliland ee sida dhow uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, ayaa xukuumada Madaxwayne biixi ku eedeeyay in ay ku guuldaraysatay  doorasho in ay dalka qabato taasi oo keentay in markii afraad mudo kordhinta loo sameeyo golaha wakilada.

Dhanka kale Abwaan Weedhsame ayaa ka dariyay rajo laga qabo in xukuumada madaxwayne biixi doorasho laga sugo isagoo taa badalkeeda ku eedeeyay in ay sharcigii dalka ka dhigtay mid dookheeda ah islamarkaana ay sifo sharci daro ah masuuliyiintii xisbiga wadani Oo aanay maxkamadi ku ridin Xukun u taxaabto xabsiga madheera si afduub ah.

Abwaan Weedhsame ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Xumuumadda xilkeeda weeyaan qabashada doorashooyinku. Imikana xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guul-darraysatay oo kaalinteedii gabtay.

Laakiin anigaaba waalane, ma xukuumadan madaxdii xisbiyada af-duubatay ee iyagoon maxkamadi xukumin xabsigii Mandheera u dirtay, ee aan sharciga iyo dookheeda kala aqoon ayaan doorasho iyo wax weyn kala hadlayaa!!!!!

COMMENTS
LINKS