Xogtii Ugu Danbaysay Ee Xaalada Dalka Jabuuti? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogtii Ugu Danbaysay Ee Xaalada Dalka Jabuuti?
November 2, 2019 - Written by Editor:

Jabuuti(W.N): waxaa wali ka socda dalka jabuuti mudaharaado rabshada wata waxaana lagu soo waramayaa in ku dhawaad sodon ruux ku dhaawacmeen dad tiro badana jeelka loo taxaabay.

Qowmiyada canfarta oo ah qowmiyada labaad ee ugu tiro badan dalka jabuuti ayaa dhigaya mudaharaadkan.waxayna gebi ahaan iskugu soo baxeen dariiqyada waaweyn ee xaafada ay ka dagan yihiin magaalada jabuuti oo loo yaqaan arxiba.
Booliska jabuuti ayaa ka hor tegay oo xoog u adeegsaday iyo suntan dadka kaga ilmaysiisa sidoo kale dadka ayaa dhagaxaan iyo quraarado u isticmaalayay

Dibad baxayaashan ayaa ka gadoodsan wiil canfari ah oo xabsiga loo taxaabay.wiilkan oo lagu magacaabaa Kako Houmed Qafar ayaa ah shaqsi caan ah oo bulshada canfarta kala hadla baraha bulshada sida facebookga.

Ilaa hada xukuumada jabuuti kama ay hadal rabshadaha ka socda, geesta kale rabshadaha ayaa dalka ku sii fidaya waxaana haatan rabshado kale ka bilaabmeen magaalooyinka Tadjoura iyo Randa ee dalkaasi Jabuuti. Oo ah gobolada ay degan yihiin canfartu.

COMMENTS
LINKS