Xaalada Abni Ee Gobolka Awdal Iyo Dhawaaqa Jabhadaha Oo Saamayn Ku Yeeshay Jaamacada Camuud! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalada Abni Ee Gobolka Awdal Iyo Dhawaaqa Jabhadaha Oo Saamayn Ku Yeeshay Jaamacada Camuud!
November 15, 2019 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Xaalada Abni ee kasoo korodhay gobolka Awdal bilihii ugu danbeeyay iyo dhawaaqa jabhadaha somaliland diidka ah ayaa waxay saamayn ku yeesheen jaamacada camuud university oo ardayda wax ka barataa iskaga kala yimaadeen gobolada somaliland iyo Gayiga kala ee somalidu dagto,

Sidoo kale gobolka awdal ayaa waxay xukuumadu gaysay ciidamo tiro badan kuwaasi oo culays yo cadaadis ku ah shacabka reer awdal oo wakhtigan laga dareemo saluug wayn oo ay ka qabaan xukuumada madaxwayne biixi iyo doonista saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka oo iyana qayb ka ah tabashada reer awdal,

Gudoomiyaha jaamacada  camuud Prof Saleebaan Cabdi Guuleed ayaa isagu kulan la yeeshay ardayda jaamacada camuud dhigata ee ka kala timid gobolada somaliland isagoo ku wargaliyay in xaalada gobolku nabdoon tahay islamarkaana aanay saamaynay dhawaaqa xubnaha mucaaridka iyo hadalada jabhaduhu,

Prof Saleebaan ayaa sidoo kale  dhaliilay siyaasiyiinta aan wakhtigan xilalka ahayn ee warbaahinta ka jeediyay hadalo shacabka dhaawac ku ah.

Dhanka kale waxaa saamayn culus ku yeeshay gobolka awdal hadal kasoo yeedhay jabhada cawaale ee xalay ka tanaasushay Mawqifkoodii hore oo iyagu dadka aan reer awdal ahayn iyo haayadaha ajaanibka ku wargaliyay in ay gobolka iskaga baxaan

Sitastaba ha ahaatee guuxa, doonista shacabka reer awdal iyo jabhadaha duurka galay ayaa laga cabsi qabaa in dhawac wayn gaadhsiiyaan jaamacada camuud oo wakhtigan la sheegay in ay jiraan durba arday iyo haayado ka huleelay magaalada boorama aanay saamaysay dhaqadhaqaaqyada ka socda ,waxaana laga war sugi doonaa halka u sal dhigto xaalada awdal iyo sida xukuumadu udawayso tabashada shacabka.

WAJAALENEWS DESK

BOORAMA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS