Wefti ka Socda Dawladda Itoobiya oo Booqasho ku Yimid Somaliland Iyo ujeedada Safarkooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefti ka Socda Dawladda Itoobiya oo Booqasho ku Yimid Somaliland Iyo ujeedada Safarkooda.
November 16, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)-Wefti ka socda dawladda faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Somaalida dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa beri ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay.

Sida uu Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana  magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Waftigan ayaa maanta ka qaybgalay  carwo  ka furantay caasimadda Hargeysa  kuna saabsan arrimaha caafimaadka, taas oo ay qabanayso Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo ay ka soo qayb-geli doonaan bahda caafimaadka Somaliland iyo kuwa caalami ahiba.

Solnanews.com/Hargeysa

 

COMMENTS
LINKS