|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Hawlaha Guud Oo Hakisay Qorshe Usamayntii Magaalada Gabiley Iyo Sobobta!
November 25, 2019 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland Ayaa Dhawaan magaalo madaxda gobolka gabiley Ee Gabiley ka bilowday qorshe loogu samaynayo town plane kaasi oo mudo socday. Hadaba Wasaarada hawlaha guud ayaa hakisay qorshe usamaynta magaalada gabiley iyadoon shaacin sobobta rasmiga ah ee keentay in ay hakiso samaynta town planeka gabiley kaasi oo dhaqaalaha u baxaya ay bixisay dawlada hoose ee gabiley ismarkaana aanay jirin sobobta loo hakiyaa taasi oo gaadiidkii iyo hawlwadeenada ku sugan yihiin gabiley ismarkaana ay ku socoto kharash iyo dhaqaale badani. Wararka laga helayo hakadka ku yimid town Planeka gabiley ayaa sheegaya in ay sobobtay kala daadsanaan baahsan oo ka jirta wasaarada iyo khilaaf aan wali daba usoo bixin oo ka dhex jira wasiirka wasaarada iyo Agaasimaha guud ee wasaarada kaasi oo caqabad ku noqotay hawl socodsiinta wasaarada. Sidoo kale wararka kale ee laga helayo sobobta ay ujoojisay wasaarada hawlaha guud qorshe usamaynta Magaalada gabiley ayaa intaa ku daray in ay keentay codsi ka yimid Beeralaydka ku xeeraan magaalada ee uu gaadhay town planeku oo dalbaday in mudo dib loogu dhiga iyagoo sobob uga dhigay in beeraha ay qoteen oo wali uu ku yaala dalagii ay dhibaato ku keenayso islamarkaana ay codsadeen in dib loogu dhigo inta laga gaynayo beeraha wixii manfac uga soo baxay. Marka laga tago xogaha aynu kor kusoo sheegnay waxaana iyana jira xogo hoose oo daaha ka fayday in sobobta loo hakiyay ay tahay khilaafka masuuliyiinta wasaarada oo keentay in shaqaalihii aqoonta u lahaa hawshani ay shaqadoodii maroorsadeen agaasimaha guud ee wasaarada oo isagu masuuliyadii uu wasaaraa ka hayay iyo mandatekii uu lahaa kaga mashquulay qabashada shaqadii shaqaale hoosaadka wasaarada islamarkaana dhex jooga goobaha ay ka socoto shaqadu isagoo gaadhay xataa in uu agagaarka magaalada hargaysa ka raadiyo beeraha ay dawlada hoose qorshee istidhaan taasi oo ganaax adag oo gaadhay 2500$ laga qaado Cagafyada ay dadka beerahooga qorshaynayaa soo kiraysteen marka ay wasaaradu qabato dhaqaalahaasi oo ku dhaca jeebka agaasimaha guud iyo masuulka igman ee wasaarada. Dhanka kale sobobaha caqabada ku noqday hawl socodsiinta wasaarada ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahaya agaasime Waaxeedka Qorshaynta oo ah wiil uu Madaxwaynuhu Abti Uyahay islamarkaana Leh awood keentay in uu maroorsaday shaqadii farsamo yaqaanada wasaarada dhexdana uu ku xidho Qorshe usamaynta magaalada gabiley balse ay wakhtigan keentay in ay istaagto shaqadii wasaarada hawlaha guud ka waday Magaalada Gabiley, Majirto wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud oo si cad loogu faah faahiyay ujeedada rasmiga ee loo joojiyay qorshe usamayntii magaalada gabiley waxaana laga war sugi doonaa waxa ay ka yidhaahdaan hakinta town planeka gabiley masuuliyiinta wasaaradu. WAJAALENEWS DESKA GABILEY OFFICE. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|