Siyaasi Xamse Khayre Oo Si kulul U Canbaareeyay Xadhiga Xukuumadu kula Kacday Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Xamse Khayre Oo Si kulul U Canbaareeyay Xadhiga Xukuumadu kula Kacday Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil.
November 4, 2019 - Written by Editor:

“Xadhiga Muhamed Dhimbiil Wax La Aqbali Karo Maaha”Siyaasi Xamse Khayre.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre Gudoomiyihii ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga wadani ayaa si adag uga hadlay xadhiga sharciga baalmaran ee xukuumadu kula kacday aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil oo maanta ay ciidamada boolisku xabsiga utaxaabeen iyaga oon sheegin wax dambiya oo loo haysto,

Aqoonyahan Xamse ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karaynin xadhiga iyo cabudhinta ay xukuumadu ku hayso dadka aragtidooda cabira,

Dhanka Kale  siyaasi xamse Khayre ayaa xukuumadu ugu baaqay in deg deg ay xoriyadiisa ugu soo celiso Maxamed Dhimbiil

Qoraalka uu arimahan kaga hadlayo Aqoonyahan Xamse Khayre ayaa waxa uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebook wuxuna udhignaa sidan;

“Xadhiga Muhamed Dhimbiil Wax La Aqbali Karo Maaha. Dhimbiil wuxuu ku soo qoray FB qiimayn labaddii sano ee Xukuumada. Madaxwayne Muuse Biixi taas baanu ku waayay xorriyadiisii ayaa loo maleynayaa. Wali se wax war ah ma sheegin booliisku.Waanu cambaaraynaynaa xadhigaa, waxaanunu leenahay xorriyadiisa ha loo celiyo.

COMMENTS
LINKS