Shanta Qodob Ee Ay Ku Fadhido Siyaasadda Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Lagu Soo Bandhigay Buugga Dr. Abiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shanta Qodob Ee Ay Ku Fadhido Siyaasadda Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Lagu Soo Bandhigay Buugga Dr. Abiye
November 10, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Xafiiska Rayslwasaaraha Itoobiya oo kaashanaya wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa Safiirada iyo ururada caalamiga ah ee degen magaalada Addis Ababa u soo bandhigay 5 qodob oo uu Dr. Abiye Axmed ku fadhiisiyay siyaasadda cusub ee arrimaha dibadda ee Itoobiya oo ku duugan buuga uu qoray ee dhawaan la soo bandhigay ee ‘Medemer’.

Sida lagu baahiyay barta wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, kulankaas oo uu goob-joog ka ahaa wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Markos Tekle, waxa lagu soo bandhigay aragtiyaha Dr. Abiye ee horumarka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee cusub. Buugan ayaa luuqadaha Amxaariga iyo Oromada lagu daabacay bishii hore, waxaanu bishan ku soo baxayaa luuqada Ingiriisida.

Mr. Abebe Abebayehu oo ah madaxa guddiga maalgashiga ee Itoobiya ayaa isagu wuxuu sharaxay aragtida buugani xambaarsanyahay ee horumarka iyomaalgashigaoo uu u sharaxay safiirada degen Addis Ababa.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya Dr. Gedion Timoteos ayaa isna sharaxay aragtida siyaasadeed ee Dr Abiye ee uu xambaarsanyahay buuggiisa ‘Medemer.’

Lencho Bati, oo la taliye u ah Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu safiirada beesha caalamka ee Addis Ababa degen u sharaxay qaybta siyaasadda arrimaha dibadda ee Dr. Abiye ee cusub oo la filayo in dhawaan la soo bandhigo. “Waxa loo baahan yahay in siyaasadda arimaha debeddu ay yeelato itijaah cusub, marka laga shidaal qaato aragtida Medemer waa inay buuxisaa shan ujeedo.” Ayuu yidhi la taliyaha Raysalwasaaraha Itoobiya.

Isagoo sharaxaya siyaasadda arrimaha dibadda ee Dr. Abiye ee ku duugan buuggan, wuxuu yidhi “Ujeedada kowaad waa inay isku dheelitirto is-kaashiga iyo tartanka. Is-kaashiga aan tartan la soconi wuxuu cabudhiyaa hal-abuurka; tartan aanu la socon is-kaashi na wuxuu xanibaa korrrinka.

Ta labaad, waa in la dhawro karaamadda qaran ee muwaadiniinta Itoobiya, ha joogaan dalka gudihiisa ama meel kale oo dunida ah, iyada oo loo marayo in la ilaaliyo danta qaran, la dhiirigeliyo wada shaqaynta dalalka, la xoojiyo sarraynta qaranka, iyo in la xaqiijiyo badqabka iyo karaamada muwaadiniinta.

Ujeedada saddexaad waa in la xaqiijiyo danta qaranka oo ku dhisan mabda ah in danta si caadifad ka madhan loo raadiyo ee aanay noqon mid lagu dhereriyo danaha dalka kale taas oo ah in cid danteedu ku dhisnaato baahiyaheeda ee aanay ku dhisnaan waxay rabto. Lencho wuxuu yidhi su’aasha aasasiga ah ee ay tahay in la is wayidiiyaa waxaay tahay “ma helay waxaan heli karayay, ee maaha in la is waydiiyo maxaan doonayaa inaan helo?

Ujeedada u danbaysaa waxaay hoosta ka xariiqaysaa mudnaanta ah wada-shaqaynta iyo derisnimada si loogu halgamo is-dhexgal heer gobol oo loo maro in la raadiyo dan guud oo la wada wadaago, is-kaashiga gobol iyo heer caalami oo la xoojiyay, iyo wada-shaqaynta diblomaasiyadeed oo la kobiciyay.”

Mr. Lencho wuxuu sidoo kale sharaxay qaabka loo fulinayo aragtida medemer islamarkaana loo qaabaynayo siyaasadda arimaha debedda ee dalka. “Tani waxaay la xidhiidhaa dhisidda hay’ado arimaha debedda oo xooggan oo ay la socoto hogaamin iyo xirfad wanaag iyo in la qaatay in dhisidda hay’ado waari karaa ay yihiin qaab gaar ah oo gacan ka gaysan doona in la dhiso hay’ado arimo debedeed oo xooggan. Waxaay sidoo kale u baahan tahay in la abuuro awood qaran oo dhinac walba leh taas oo si waxtar leh, oo la isku bedeli karo, u isticmaali karta awoodda fudud (soft power) iyo gacan adag (hard power) marka ay daruuri tahay. Ta sadexaad, in awoodda la saaro in la dhiso diblomaasiyad dhinacayo badan oo loo maro xoojinta xidhiidhada dalalka kale lala leeyahay, in la dhiirigeliyo dareenka midnimada Afrika, la isku duwo hay’adaha madani iyo in la samayeeyo diblomaasiyadda warbaahinta loo maro.”

 

COMMENTS
LINKS