“Shacabka Dareenkiisa Xadhig Iyo Cabudhin Toona Laguma Joojin Karo, Waa Inoo Aroorta”Gudoomiye Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Shacabka Dareenkiisa Xadhig Iyo Cabudhin Toona Laguma Joojin Karo, Waa Inoo Aroorta”Gudoomiye Cirro.
November 17, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Ciro” ayaa si kulul Ucanbaareeyay xadhiga ay Xukuumadu kula kacday xoghayihii guud ee xisbiga iyo Afhayeenkii xisbiga oo sifo sharciga baalmarsan suuqa looga dhex xidhay.

Gudoomiye cirro ayaa ku baaqay in aanay ka xisbi ahaan marnaba ka baaqanaynin kulankii uu ugu yeedhay taageerayaasha xisbigu in ay iskugu yimaadaan xarunta xisbiga.

Gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa qoraal uu xadhiga masuuliyiinta kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhidhka bulshada ee facebookga Wuxuna udhignaa Sidan;

“Umadda Reer Somaliland waxa aan u Xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.

Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe. Ayuu gudoomiye cirro kusoo koobay hadalkiisa

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

https://youtu.be/ZlzqBOCiEeU

COMMENTS
LINKS