“MUSUQ-MAASUQ Waa Eray Isticmaalkiisu Ku Badan Yahay, Qaamuuska Siyaasasdeed,Dhaqaale Iyo Maamul”Xildhiban Cartan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“MUSUQ-MAASUQ Waa Eray Isticmaalkiisu Ku Badan Yahay, Qaamuuska Siyaasasdeed,Dhaqaale Iyo Maamul”Xildhiban Cartan.
November 17, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamid xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa falanqayn ku sameeyay ergayga ah Musuq maasuq, halka uu ka yimid wuxuna sidaa ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

MUSUQ-MAASUQ Waa Eray Isticmaalkiisu Ku Badan yahay Qaamuuska Siyaasasdeed, Dhaqaale Iyo Maamul. Micihiisuna Waa ku tagrifalka awoodda (abuse of power), lunsashada hantida ummadda ( misuse of public fund), maamul xumida (maladmistration), Musuqmaasuq afka Ingirisiga waa CORRUPTION , Af Carabiga waa FASAAD ( فساد) turjumaad caadiga ahi waxay noqon lahayd QUDHUNIMO. Balse inaga waxa inoo tisqaaday Erayga MUSUQMAADAQ. Markii ugu horreysey eraygaas suugaanta Soomaaliga lagu isticmaalay, bilowgii qarnigii tegey, waxay ahayd tix ku jirtey gabay Sayid Maxamed Cabdille xasan ku yidhi: “Musumaasaq Soomali waa meheraddeediiye.”

Haddaba xaggee eraygu inaga soo galay?

Eraygu wuxu la kowsaday markii ganacsiga casriga ahi ku soo fidey bulshadii xoolo dhaqstada ahayd. Reer miyigii baa xoolihii keeney sayladihii koobnaa ee magaalada, saylada waxa jooga niman dadka xoolaha u kala iibiya oo Dilaal la yidhaahdo.

Dilaaliintu gacmaha ayay is dhaafsanayaan oo kan hore odhanayaa امسك (Qabo), kii kale baa odhanaya ماسك (qabtay), ilaa intay sicir ku heshiinayaan iyagoo marba faraha hoos isga dhiibaya ayay ku cecelinayaan امسك ماسك ninkii reer miyiga ahaa امسك ماسك waxay ula ekaatay Musuq maasuq, waxayna ula muuqatay in meesha wax is dabamarini ka socoto.

waa kii Ismaaciil Mire lahaa:

Afka reer magaaluhu yaqaan

waan ka awodnahay

anigoo arkaayaaa indhaha

laygu iibsadaye

Kolkaas امسك ماسك baa sidaas ku noqotay musuqmaasuq.

QALINKII;Xildhibaan cabdiraxmaan yuusuf cartan

 

COMMENTS
LINKS