|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Ammaanay Hannaanka loo Keydiyo Dukumentiyada Ka Soo Baxa Dawladda Somaliland!
November 11, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay Dukumantiyada ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kuwa Dhalashada, Guurka iyo Dhimashadu ay leeyihiin Nidaam wanaagsan oo loo Kediyo. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay ku baahisay Shabakadeeda Internetka oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay, waxaanay wasaaraddu qirtay in Dukumentiyada Dawladda Somaliland ee ay ka mid yihiin shahaadooyinka Dhimashada, Guurka iyo Dhalashadu ay yihiin qaar sugan oo loo keydiyo hannaan wanaagsan oo la aqbali karo, marka uu qofku ku soo dalbanayo dal ku-galka Maraykanka. Warku wuxuu intaas ku daray in Dukumentiyada Somaliland, marka qofku soo gudbisto, kaliya la dhaarin doono si loo sii xaqiijiyo sugnaanshaha dukumentiyada uu sito. Dhawaaqa ka soo yeedhay Dawladda Maraykanka ee ay ku ammaaneen dukumentiyada ka soo baxa JSL, ayaa muujinaya horumarka iyo maamul wanaagga Somaliland muujisay ee ay kaga duwan tahay dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya oo Maraykanku ugu yabooho malaayiin doolar, hase yeeshee ku guulaystay horyaalka qarammada fashilmay ee caalamka. Cumar Maxamed Faarax XIGASHO; Solnanews.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|