Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Golaha Sare Ee Agaasinka Baanka Dalka+Magacyada Xubnahan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Golaha Sare Ee Agaasinka Baanka Dalka+Magacyada Xubnahan.
November 9, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan magacaabay golaha sare ee Baanka JSL.

Ma jiro war rasmi ah oo lagu baahiyay wareegtada Madaxweyne Biixi, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi oo tixraacaya xeerka Baanka uu magacaabay 8 xubnood oo ka mid noqon doona golaha sare ee Baanka, waxaana xubnahan si toos ah uga mid noqon doona saddexda xubnood ee fulinta Baanka oo kala ah guddoomiyaha, guddoomiye-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Baanka.

Sida ay wararkan xogogaalka ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, 8-da xubnood ee uu Madaxweyne Biixi u magacaabay golaha sare ee Baanka JSL, oo badankoodu dalka dibadiisa kala jooga ayaa kala ah

Axmd Cali Qaasaali

Maxamed Sheekh Xasan Taani

Maxamed Cabdi Ibraahim

Cismaan Sheekh Axmed

Cali Axmed Cismaan

Maxamuud Cawil Ibrahaim

Xuseen Cabdillahi Jaamac

Mustafe Cali Jaamac

Xeerka  Baanka ayaa qoraya in xubnaha golaha sare ee Baanka JSL ay tiradoodu noqon doonto ugu badnan 8 xubnood. Xubnahan uu magacaabay waxa ku jira guddoomiyihii hore ee Baanka JSL Maxamed Cabdi Ibraahim iyo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Xigasho Wargayska Geeska.

 

 

 

COMMENTS
LINKS