|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Qaabilay Wefti Ka Socday DDSI Iyo Ujeedada Safarkooda!
November 3, 2019 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Cumar Faaruuq Warfaa, kuna wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, masuuliyiin ka socda laamaha amaanka iyo saraakiil kale. Weftigan oo ujeedka safarkoodu ahaa inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida taliyihii ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka timid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Kulankan oo ay maaxweyne ku xigeenka ku wehelinayeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baabuur Cumar. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeertay Dhismaha xarunta Isgaa... Wasiirka Wasaarada Biyaha Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Gobolka Gabiley Iyo Ujeedada Kulan Uu Layeeshay ... “𝙄𝙉 𝘼𝘼𝘿 𝙃𝙊𝙍𝙈𝙊𝙊𝘿 𝙆𝘼 𝘼𝙃𝘼𝘼𝙏𝙊 𝙒𝘼𝙓𝙏𝘼𝙍𝙆𝘼 𝙄𝙔𝙊 𝙂𝙐𝙍𝙈𝘼𝘿𝙆𝘼 𝘿𝘼𝘿𝙆𝘼𝘼𝙂𝙐 𝙒𝘼𝙓𝘼 𝘼𝙔 𝙎𝙃𝙀𝙀𝙂𝘼𝙔𝙎𝘼𝘼, 𝙇𝙀𝙓𝙊-𝙅𝙀𝘾𝙇𝘼𝘿𝘼 𝙄𝙔𝙊 𝙌𝙄𝙄𝙈𝘼𝙃... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|