Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Deg Deg Usoo Magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Iyo Hadal-Haynta Bulshada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Deg Deg Usoo Magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Iyo Hadal-Haynta Bulshada!
November 3, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Laba Cisho Ka hor ayay ahayd Markii Uu Geeriyooday Alle ha Unaxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland S/G; Marxuum Cabdilaahi fadal Iimaan oo xilkaasi hayay mudo 7sano ah.

Goobaha ay ku kulanto bulshada reer Somaliland ayaa aad loogu hadal hayaa magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska iyagoo baraha ay ku leeyihiin xidhiidhka bulshada ku Baahinaya Aragtida ay ka qabaan Shaqsiyaad buuxin kara booska Taliyaha Ciidanka Booliska, Taasi oo ay Talooyinna ay ugu soo jeedinayaan madaxwaynaha somalliland.

Madaxwayne biixi ayaa lafilayaa in uu deg deg usoo magacaabo Taliyaha ciidanka booliska somlailand Soboba jira awgeed taasi oo ay qayb ka tahay xaalado caafimaad oo la soo darsay taliye kuxigeenkii kowaad ee ciidanka booliska iyo taliye kuxigeenkii labaadba oo iyaganu xaalad caafimaad ujiifa cisbitaalada dalka Gudihiisa,

Xubnahan loogu hadal haynta badan yahay in xilkan loo magacaabo ayaa waxaa kamid ah taliyaha ciidanka birmadka amaba RRUda Gaanshaale sare Axmed Cabdi Tiir oo isagu ah masuul in badan kusoo dhex jiray arimaha ciidanka islamarkaana ah shakhsi hawl kara oo doorar muhiim ah kasoo qaatay daminta shaqaaqadii Ceel-Afwayn, iyo meelo kale oo Dalka kamid ah. Halka dadka qaarna soo jeedinayaan xilkan loo magacaabo Hogaanka hawlgalinta ciidan booliska GEN,Maxamuud Ducaale Cali oo wakhtigan haya xilka hogaanka ciidanka booliska, islamrakana ah xubnaha ugu cad ee ciidanka booliska .wallow isna hadal haynta bulshada uu safka hore kaga jire Col Baashe Cabdi Godane oo ay walaalo yihiin Hogaamiyihii Ururka Alshabaab,

Sidoo kale waxaan iyana  baraha bulshadu ku kulanto lagu faaqidayaa shaqsiyaad kale oo katirsan ciidanka booliska iyo qarankaba kuwaasi oo iyana ay suurto gal tahay in xulashada madaxwayne ee taliyaha ciidanka booliska aanay ka madhnayn.

Dhanka kale dadka u dhuun daloola siyaasada Somaliland iyo masuuliyiintii iskaga kala danbeeyay Taliyayaasha ciidanka booliska ayaa soo jeedinaya in loo baahan yahay In ciidanka booliska loo magacaabo masuul aan kasoo jeedin deegaankii ay kasoo jeedeen taliyihii dhawaan geeriyooday iyo kii horeeyay iyagoo sobob uga dhagaya in aan xilalka qaranku noqon mid cid gaari ku xisaabtanto magacaabistiisa marka loo eego saamaynta ay ku keenayso ciidanka booliska, kursiguna aanu unoqon mid cid gaara u xidhan balse uu noqdo mid magacaabistiisu ay Hagto aqoon iyo cid gudan karta xilka culus ee habeen iyo dharaar ciidamadu heeganka ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada dalka,

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga war sugu doonaan talaabada uu madaxwayne biixi qaado iyo sida uu usoo xusho masuul buuxin kara xilka taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS