|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
November 16, 2019 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 16/11/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Marxuumka oo ka mid ahaa guddidii samaysay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xilalka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, agaasimihii guud ee wasaaradda cadaalada iyo garsoorka, la taliyihii arrimaha sharciga ee madaxweynaha, ka soo qabtay wakhtigii xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal “AHU” waxa kale oo uu noqday gudoomiyaha qareenada Somaliland, wakhtigana ahaa la taliyaha Sharciga ee golaha guurtida Somaliland, waxaanu geeriyooday maanta isagoo gudanaaya waajibaadkiisa qaranka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan hawl-kara oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Turkiga Oo Waji kale u Badalay Wadahadaladii Somaliland Iyo Somaliya & Ujeedada Shir Laba Cisho Uga ... Taliyaha Ciidanka Dab Damiska Somaliland Oo ka Warbixiyay Qaabkii Ay Udamiyeen Dabkii Ka Kacay Magaa... DAAWO;Maamulka Cusub Ee Magaalada Togwajaale Oo Bilaabay Olole ay Ku Nadiifinayaan Toga iyo masuuli... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|